War fiican oo Xasan uga soo yeeray Dh/mareeb

Galgaduud (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waxgaradka magaalada Dhuusomareeb oo la hadlay Xafiiska Caasimada Online ee Galgaduud ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan qorshe odayaasha dhaqanka looga dhaadhicinayo iney shirka maamul u sameynta kaga qeyb galaan magaalada Cadaado.

Kulamo kala duwan oo ay qaateen Mahad Maxamed Salaad iyo odayaal ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa la sheegay inay u muuqdaan isku soo dhawaansho laga helayo odayaasha magaalada Dhuusomareeb.

Odayaasha ayaa ka dalbanaya dowlada Soomaaliya iney xaqiijiso in caasimada gobolada dhexe ay tahay magaalada Dhuusomareeb, islamarkaana madaxweynaha lagu doorto Cadaado uu si rasmi ah kaga shaqo bilaabo magaalada Dhuusomareeb.

Wasiiro dowlaha madaxtooyada ayaa kulamada waxaa dhanka dowlada ku wehliya Axmed Cabdisalaan Xaaji oo loo xilsaaray iney Odayaasha ku qanciyaan rabitaanka dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa magaalada Dhuusomareeb ka socda kulamo lagu kala fur furayo odayaasha, iyada oo odayaashii ka carooday magaalada Dhuusomareeb lagu qancinayo magaalada Cadaado.

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalim, ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay u muuqanayaan iney aqbalaan in shirka lagu qabyo magaalada Cadaado.

Arrintan ayaa ah mid culees weyn ka ridi doonta madaxweynaha Soomaaliya, oo dadaal xooggan ugu jira in shirkalagu qabto Cadaado, si uu u hirgalo qorshihiisa ah in Cabdikariin Guuleedloo doorto madaxweyne.

01_04_2015

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com