Dilal kala duwan oo ka dhacay GAL-GADUUD !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Deegaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi siyaabo kala duwan loogu dilay laba ruux.

Dilka labadaani ruux, ayaa waxaa fuliyay ruux dhalinyaro ahaa oo ku hubeysnaa qoriga loo yaqaan A47, waxa uuna dilka kadib ka baxsaday goobta.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dilka uu ahaa mid salka ku hayo aano qabiil, islamarkaana labadaasi ruux ay horay u geysteen dilal kala duwan.

Nabadoon Xaashi Nuur Jiisoow oo ka mid ah Odayaasha Deegaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah labada Nin ee la dilay uu ahaa Aabaha dhalay Nin horay dil u geystay.

Nabadoonka ayaa sheegay in hada Maamulka Deegaanka Gadoon oo kaashanaya Odayaasha dhaqanka uu ku raadjoogo Ninka dilka geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com