XOG: Qorshaha uu Shariif Xasan Sh. u joogo…!

Afgooye (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ku sugan magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ujeedada uu xalay usoo gaaray magaalada Afgooye ayaa lagu sheegay iney tahay dhameynta shirka dib u hishiisiinta beelaha Habar-gidir iyo Biyo-maal ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wafdiga madaxweynaha oo wasiiro ay kamid yihiin ayaa maalmahaan ku sugnaa magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaa oo ay kulamo kula qaadanayeen odayaasha labada dhinac.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ee maamulka Shabeelaha Hoose Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in wafdiga madaxweynaha ay  u tageen magaalada Afgooye sidii colaada loo dhameyn lahaa loona kala saxiixan lahaa hishiis buuxa.

“Madaxweynaha gobolka ayaan ku sugnaa Marko ayuu maalmahaan joogay hadda wuxuu Afgooye u joogaa inuu dhameystiri gogosha nabadeynta ee Habar gidir iyo Biyo-maal”ayuu yiri gudoomiyaha.

Beelaha ku dagaalamay Shabeelaha Hoose ayaa dagaalkooda wuxuu sababay dhimasho iyo dhaawac dhinacyada dagaalamay ah oo ka dhacay deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Sh.Hoose
Caasimada@live.com