SOOMAALIDA Kenya oo jawaab kulul bixiyey !!!

Dhadhaab (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka ku nool xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ayaa si adag kaga jawaabay eedeyn kasoo baxday dowlada Kenya oo aheyd in qaraxyada laga soo abaabulo deegaanada Qaxootiga degen yihiin.

Dadka ku nool xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ayaa iska fogeeyay eedeynta kaga timid dowlada Kenya oo ku wajahan in qaraxyada ka dhacaya waqooyi bari Kenya laga soo abaabulo xeryaha qaxootiga dalkaasi.

Dadkaasi oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Soomaalida ku nool xeryaha aysan marnaba ka suurtoobin inay qariyaan dad dhibaato u keeni karo dalka Kenya.

Waxay sheegeen inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amaanka ee dalka Kenya marar badanna ay ku wargeliyeen waxyaabaha wax u dhimi kara amaanka dalka Kenya.

“Waxaan leenahay anaga ma dooneyno waxyaabo qaar inaan qarsano, laakiin eedeynta naloosoo jeediyay waa been sababtoo an dadkaan wey is guursadeen waxna wey isku dhaleen, dalkana wuu naga wada dhaxeeyaa”ayuu yiri mid kamid ah qaxootiga Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Dhadhaab
Caasimada@live.com