DHAGEYSO: “Axmed MADOOBE waxba gacanta ugma jiraan waxaa howsha wata GEN. GABRE”

Kismaayo (Caasimada Online) – Garaad Guud ee Beesha Warsengali Daarood Garaad Cali Axmed Maxamed ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda maamulka Jubba iyo dadaalka socda ee la doonayo in lagu dhiso baarlamaanka maamulka Jubba.

Waxa uu garaadka si qayaxan uga hadlay sida xaalku yahay, wuxuuna kashifay xaaladda dhabta ah ee ka jirta degaankaasi.

Garaad Cali ka sokow xaqa ka maqan jufadiisa ee uu u doodayo haddana wuxuu shaaciyay in waxa meesha ka socda oo dhami uu gacanta ku hayo Nin itoobiyaan ah oo lagu magacaabo Gen. Gabre oo isagu ah qofka dhisaya baarlamaanka taladu ka go’do.

Axmed Madoobe ayuu sheegay inaysan waxba gacanta ugu jirin. Wuxuu kaloo sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu doonayo inuu xilka kororsado isagoo waxba qaban labadii sano ee uu meesha joogo.

Wareysiga Garaadka ka daawo oo ka dhageyso halkan hoose

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com