Maxaabiis dil iyo Xabsi daa’in lagu xakumay oo kasoo baxsaday Yemen soona gaaray SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay xeebaha Maamulka Puntland soo gaarayaan doonyo wada Muhaajiriin Soomaali dalka dib ugu soo laabtay, ayaa waxaa hadana soo ifbaxaayo in doonyahaasi ay la socdaan dhalinyaro badan oo kasoo baxsaday Xabsiyada Dalka Yemen.

Dhalinyarada qaar ayaa sheegay inay u xirnaayen falal kala duwan oo isugu jiray Xukuno xabsi daa’in ah iyo dil.

Xabsiga ay kasoo baxsadeen ayaa waxaa lagu magacaaba xabsiga Mukallah ee dalka Yemen, kaaso maalmo kahor ay la wareegeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-qaacida.

Xabsiga ay dadkan ka soo baxsadeen waxaa dagaal kula wareegay kooxda Ansarul Shariicah,waxaana markii ay dagaalamayasha kooxda gudaha u galeen xabsiga ay albaabada u balaqeen maxaabistii ku xirned oo qaar kamid ah horey loo xukumay.

Dadka ka faa’iideystay deysmada Xabsiga ayaa waxaa kamid ahaa Hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-qaacida laguna magacaabo Khalid Badrifi iyo ugu yaraan 45 qof oo Soomaali ah.

Soomaalida kasoo baxsaday xabsiga ayaa waxaa kamid ah laba dhalinyaro Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Mahdi Cali Siciid iyo Cabdullahi Axmed oo iminka ku sugan magaalo xeebedka Boosaaso oo xarun u ah gobolka Bari.

Labadaani muwaadin oo ka warbixinaayay qaabka ay usoo baxsadeen, ayaa waxa ay sheegen in lagu soo wargaliyay in Xabsiga ay kusoo wajahan yihiin Dagaalyahaanada Alqacida, islamarkaana ay isku diyaariyaan sidii ay u baxsan lahaayen, iyadoona qadar yar kadib albaabada loo balaqay Xabsiga.

Dhinaca kale, Puntland ayaa ka digtay khatarta ka imaankarta Maxaabiista kasoo baxsaday xabsiga Mukallah ee dalka Yemen, kuwaasi oo kusoo qulqulaayo dalka iyagoona qaab qaxooti kusoo laabanaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com