Ethiopia oo caqabad cusub hordhigtay SHIRKA maamul u sammeynta Gobollada Dhexe iyo DFS

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ka mida ciidamada AMISOM ee ka howgala Goboladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa mugdi geliyay in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe in lagu qabto degmada Cadaado oo ahayd meesha ay dowladda federaalka dadaalka ugu jirtay muddooyinkii ugu danbeeyay.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya  ayaa gaarsiiyay madaxda dowladda Federaalka in shir lagu qabto degmada Cadaado  aanay suuragal ahayn xilligan dhinaca ammaanka darteed, waxayna warbixintooda ku caddeeyeen in muddo saddex bilood ah ay u baahan yihiin si ammaanka Cadaado loo sugo loona hubiyo inay tegi karaan madaxda dowladda Federaalka, iyagoo ka digay in wixii waqti ka horeeya xilligaasi aanay mas’uul ka noqon Karin amaanka degmada Cadaado.

Arrintan ayaa caqabad hor leh ku noqoneysa rabitaankii madaxweyne Xasan Sheekh oo ahaa in Cadaado laga furo shirka maamul u sameynta goboladda dhexe isla markaana inta aysan bishan April dhamaan la doorto hogaankii maamulka kumeelgaarka ah ee Goboladda Dhexe.

Dhowaan waxay Itoobiya  ku guuleysatay inay dib u celiso ciidamo Jabuutiyaan ah oo qorshahoodu ahaa inay tagaan Cadaado, kadib markii ay adeegsatay kooxda Ahlu Sunna oo Matabaan ku sugan, kuwaas oo muddo laba maalmood ah hor fadhiyay ciidamada Jabuutiyaanka una diiday inay ka gudbaan halkaasi.

Itoobiya oo lug weyn ku leh arrimaha Soomaaliya waxay inta badan faragelin weyn ku heysaa arrimaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale galaangal weyn ku leh maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubba. Lamana oga sida dowlada Federaalka arrintan ka yeeli doonto.

Isha: Goobjooge