BF oo u codeynayo xeerar ay maamul goboleedyada dalka murun ka keeneen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdsho ku yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa, waxaana ay ku ansixin doonaan xeerar kala duwan.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta u codeynayo sharciyo kala duwan, halka qaarkood sharciyada la marsiinayo aqrinta labaad ee sharciyadaasi.

Ajandayaasha horyaala xxildhibaanka baarlamanka maanta shiraya ayaa kala ah:-

1.U codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga Musuqmaasuqa.

2.Akhrinta 3aad wax ka badelka Sharciga Batroolka.

3.Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka doorashooyinka.

Qodobka ugu muhiimsan ayaa ah Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq maasuqa iyo wax ka badalka sharciga Doorashooyinka.

Sharciga Batroolka ayaa ah sharci ay murun badan ka keeneen maamul goboleedyada dalka, waxaana maanta xildhibaanada ay ka yeelaan dood adag iyagoo kadib u codeynayo sida qorshaha uu yahay.

Sharciga Dhismaha guddiga Musuq maasuqa waxaa soo diyaarisay wasaaradda Cadaalada ee xukuumadda Soomaaliya, waxaana maanta la filayaa in xildhibaanada baarlamaanka ay u codeeyaan.

Sharciga doorashooyinka iyo sharciga Batroolka ayaa kamid ahaa sharciyadii adkaa ee la isku mari waayay shirkii ka dhacay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, waxaana maamulada ay ka hor yimaadeen sharigaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com