Xog: Sidee ku timid yaase ka dambeeyey in Goodax uu raali-gelin siiyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta raali gelin buuxda ka bixiyey hadal uu dhawaan ka jeediyey Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka HirShabelle oo uu ku sheegay in imtixaanka Puntland uu fashilmay.

Goodax ayaa ku cudur-daartay in lasoo gaarsiiyey war ku saabsan in Madaxweynaha Puntland uu sheegay in la jabsaday Imtixaankii Dugsiga sare ee Puntland balse wuxuu sheegay inay habooneyd inuu iska hubiyo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in raali-gelinta Goodax ay ka dambeysay wada-hadal qadka taleefonka ku dhex-maray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Deni ayaa la sheegay inuu xalay xiriir deg deg ah la sameeyey ra’iisul wasaare Kheyre kana dalbaday in wasiir Goodax sharraxaad buuxda ka bixiyo hadalkiisa “dhaawaca xooggan ku ah sharafta imtixaanka Puntland.”

Deni ayaa Kheyre u sheegay in hadalka Goodax u arkay mid ku talo-gal loogu dhaawacayo imtixaanka Puntand, maadaama Puntland kaga guuleysatay Goodax dooddii horey u dhex-martay labada dhinac, kadib markii Puntland diiday inay qeyb ka noqoto Imtixaanaadka wasaaradda waxabarshada Soomaaliya.

Xubno ka tirsan xafiiska Kheyre ayaa Caasimada Online u sheegay in Kheyre uu markaas kadib Goodax ku amray inuu raali-gelin siiyo Puntland, si xiisaddan aysan u gaarin meel intaas kasii xun, taasi oo Goodax uu aqbalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com