Wasiir Goodax oo raali gelin buuxda ka bixiyey hadalkii ay ka carrootay Puntland

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa raali gelin buuxda ka bixiyey hadal uu dhawaan ka jeediyey Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle

Wasiirka oo soo saaray War-saxaafadeed ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay hadalkii uu Jowhar ka sheegay oo ahaa inuu Fashilmay Imtixaankii Dugsiyada Sare ee Puntland ee Shalay Furmay.

Wasiirka ayaa ku sababeeyey arrintaas in lasoo gaarsiiyey war ku saabsan in Madaxweynaha Puntland uu sheegay in la jabsaday Imtixaankii Dugsiga sare ee Puntland balse wuxuu sheegay inay habooneyd inuu iska hubiyo.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay garab taagan tahay Ardayda iyo waalidiinta Puntland uuna u rajeenayo inuu Alle u fududeeyo Imtixaanka u socdo.

Raali gelinta Wasiir Goodax Barre ayaa imaaneyso kadib markii Dowladda Puntland ay Wasiirka ka dalbatay inuu raaligelin ka bixiyo hadalkaas ama uu keeno caddeyn.

Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa ku tilmaamay hadalada Goodax Barre, “mid isaga ku kooban,” wuxuuna ka dalbaday caddeymo.

“Hadii uu caddeynta keeni waayo, waxay ka dhigan tahay xumaan uu u qabo Puntland iyo ardaydeeda,” ayuu Wasiir Cabdullaahi daba dhigay hadalkiisa.

Hadalka uu Wasiir Goodax sheegayo in lasoo gaarsiiyey ayaa ahaa hadal uu Madaxeynaha Puntland sheegay markii uu furayey Imtixaanaadka Dugsiyada sare ee Puntland markaas oo uu sheegay in la jabsaday xafiis kamid ah kuwa ay yaaleen Imtixaanaadka balse si dhaqso ah loo badalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com