Wararkii ugu dambeeyay qaraxii Muqdisho iyo shaqsiyaad loo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qaraxii koowaad ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo waxyeelada ka dhalatay.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa shaacisay in qaraxa Koowaad oo dhawaaqiisa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho uusan geysan waxyeelo badan.

Waxay sheegtay in qaraxa uu ahaa NOAH laga buuxiyay waxyaabaha qaraxa, kaasi oo la dhigay barxad ku taala dhabarka dambe ee Iskaashatooyinka oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

“Abbaro 7dii habeenimo ayaa baabuur noociisa yahay Toyota Noah ku qarxay meel barxad ah oo la dhigay kuna taal dhabarka dambe ee iskaashatada gadiidka degmada X/Weyne” ayay tiri Sakiyo.

“Sidaanu xaqiijinay wax qasaaro naafeed ama dhaawac ma jiraan. Waxaa isla goobta lagu qabtay 2 qof lagu tuhmaaya in falka lug ku leeyihiin iyo ninkii baabuurka qaraxa watay. Wixii soo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa” ayay hadalkeeda kusii dartay.

Sidoo kale waxay sheegtay in la qabtay ku dhawaad seddex ruux oo lagu tuhmayo inay raad ku lahaayeen qaraxii xooganaa ee caawa dhacay, waxaana qabtay ciidamada Booliska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com