Xog: 3 tallaabo oo xasaasi ah oo la filayo inay beelaha HAWIYE ku dhowaaqaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaaq nuuciisa kii ugu horreeyay muddo ka badan 10 sano ayaa ka curtay magaalada Muqdisho, kaas oo ah in hogaanka dhaqanka ay qaataan go’aano ka dhan ah Dowladda dalka maamusha waxaana xaalad aan looga baran sanadihii dambe.

Laba jeer kulamo loo dhanyahay ayey ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaana ka sii horreeyay kulamo kale oo gaar gaar ahaa kuwaas oo dhamaantood la qabtay 3-dii bil ee ugu dambeysay.

Dhamaan kulamaan waxay ku saleesnaayeen cabasho ay ka qabaan 3 qodob oo ah dhib ka jira magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay sababtay dowladda Soomaaliya islamarkaana la sheegay in ay ka diiday odayaasha in ay waan-waan kala gasho.

Odayaasha waxay ka cabayaan 3 qodob kale.

  1. Xaaladda go’doonka ah ee dowladda Soomaaliya ku soo rogtay Muqdisho, taas oo sababtay maciishadda oo aad u qaaliyowda iyo isu socodka Gaadiidka iyo dadweynaha oo go’ay.
  2. Xirnaanshiyaha iyo go’aadnka magaalada oo aan lagu heli amaan, Muqdisho oo go’doon ah wali waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxyo waana sababta 2aad ee dulqaadka ka dhamaysay waxgaardka.
  3. Shacabka Muqdisho waa bulshada kaliya ee bixisa Canshuurta dastuuriga ee dalka, hadana waa bulshada kaliya ee aan heysan matalaad siyaasadeed. Ku sii darso waa bulshada kaliya oo ay dowladda ku soo rogtay go’doonka waana sababta 3-aad ee sababtay qayla dhaanta odayaasha dhaqanka ee beelaha daga Gobalka Banaadir.

Waxaa la aaminsan yahay in waxgaradka Muqdisho ay qaadan doonaan go’aano culus oo curyaamin kara dowladda Soomaaliya kuwaas oo saameen dhaqaale iyo mid siyaasadeed dalka geliya.

Go’aanada la filayo in ay qaataan ayaa waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan dhismaha maamul Gobaleed matala dadka daga Gobalka Banaadir oo aan laheyn maqaam siyaasadeed iyo maamul danahooda ka shaqeeya. Taas oo xanuun iyo guul darro ku ah hogaanka Farmaajo oo Muqdisho kaliya saameen dowaldeed ku leh.
  2. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan joojinta Canshuurta ay siiyaan dowladda Soomaaliya oo aysan waxba kala soo dagin Dekadda Muqdisho ilaa amar dambe. Taas oo dhabar jab dhaqaale ku ah Xukuumadda Kheyre.
  3. Dhismaha Ciidamo MADANI ah oo degaanka ilaaliya iyagoo qayla dhaantooda la wadaagaya beesha Caalamka iyo daneeeyaasha Soomaaliya sida aan ku helnay Warbixino aan ka soo xiganay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka.

Arimahaan ka taagan magaalada Muqdisho ayaa dad badan waxay u arkaan dab lagu sii qabtay xasilooni darrada siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya iyo guul darrooyinka tusbax furtay ah ee uu wajahayo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com