Doorashada 2020-ka ‘ma jiri doono xildhibaan ay soo doorato beeshiisa’

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha ku yeeshay Kalafadhiga 5-aad kulankiisa 5-aad.

Agendaha kulanka maanta ayaa ahaa Dhageysiga warbixinta Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaana kulanka shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hoggaamineeysay Guddomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim.

Guddiga ayaa Golaha Aqalka Sare uga warbixiyay heerka ay marayaan hawlaha Guddiga ee u diyaar-garoowga doorashooyinka 2020-ka iyo waxyaabaha u baahan in madaxda Qaranka ee heer Federal, Xildhibaanaada si dalka ugu dhacdo doorosho qof iyo cod ah sanadka 2020.

Intaa kadib, xubnaha Golaha ayaa Su’aalo ka weydiiyey Guddigan Warbixinta ay jeediyeen iyadoo intaa kadib uu Guddigu ka jawaabay su’aalihii la weydiiyey.

Senatoorada Aqalka Sare ayaa su’aalo ka weydiiyey Guddigan warbixinta ay jeediyeen, waxaana Xaliimo yarey ay beenisay inay Sharciga Doorashooyinka ee hor yaalla Baarlamaanka ay soo diyaariyeen Guddigooda, waxayna ku adkeysatay inaysan awood u laheyn diyaarin sharci cusub.

Waxay sheegtay in Sharciga doorashooyinka ay dhowaan la meel mariyeen Golaha Wasiirada ay soo diyaarisay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, balse iyaga sharcigaas la-tashi oo kaliya lagala sameeyay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliimo yarey ayaa sheegtay inuusan jiri doonin Doorashada soo socota Xildhibaan ay beeshiisa soo dooran doonto, laakiin Xildhibaan waliba ay soo dooranayaan dadka Soomaliyeed oo dhan, waana inuu ka diiwaan gashan yahay Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira, haddii uusan ku jirin Xisbina ay dhici doonto inuusan u tartami karin Xildhibaannimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com