Biden oo qaaday tallaabo ka farxineysa Soomaali badan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka, Joe Biden oo xilka si rasmi ah ula wareegay ayaa xafladdiisa dhaarinta kadib saxiixay wareegtooyin madaxaweyne oo uu ku laalay go’aano uu horey u dhaqangeliyay Trump.

Joe Biden ayaa wareegtooyinka uu saxiixay waxaa ka mid ah inuu hakiyey xayiraaddii saarneyd illaa todobo dal oo Muslimiin ah, kuwaas oo Soomaaliya ay ka mid tahay, islamarkaana uu horey Trump dadkooda uga mamnuucay inay u safraan Mareykanka.

Go’aankaasi ayaa afartii sano ee la soo dhaafay saameyn ballaaran ku yeeshay muwaadiniinta dalalka lagu soo rigay xayiraadda, balse hadda laga qaaday.

Sidoo kale madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa hakiyey darbigii uu Trump ka dhisayey xadka u dhexeeya dalalka Mareykanka & Mexico.

Mr Biden ayaa sidoo kale dib ugu celiyey heshiiskii cimilada ee Paris, wuxuuna ka laabtay dhammaan xeerarkii uu Trump ku qafiifiyay wasaqoyga hawada.

Tani ayaa noqoneyso tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday Joe Biden, isaga oo sidoo kale sameyn doono is-bedallo kale oo ballaaran.