Sawirro: SHACAB careysan oo maanta banaan-bax ka dhigay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweyne fara badan oo ka careysan dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) ayaa maanta dibad-bax ka dhigay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, iyaga oo hakad-geliyey dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Sidoo kale dadka dhigayey dibad-baxa ayaa taayaro ku gubay laamiga, sidoo kalena biro iyo dhagaxaan ku gooyey.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilka guddoomiyaha, iyaga oo cadaalad ka dalbadayadowladda Soomaaliya.

Shacabkan isugu soo baxay Taraboonka ayaa sidoo kale wax lagu xumaado ku tilmaamay hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ahaa inuu iska hor imaad ku dhintay guddoomiye Cabdixakiin Dhagajuun oo shalay uun ku soo laabtay dalka.

Si kastaba dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ayaa dhaliyey xiisad xoogan, iyadoo haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dilkiisa, waxaana loo xiray illaa 9 askari oo labo ka mid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya.