Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii SWAN iyo DENI?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud eee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan.

Kulanka oo ahaa mid hab maqal iyo muuqaal ah ayaa labada dhinac waxay uga wada-haleen xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray xal u helida tabashooyinka la xiriira doorashada dalka.

Swan ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii xal mideysan looga gaari lahaa doorashooyinka 2021-ka, isaga oo shalay kulan kan la mid ah la yeeshay Axmed Madoobe.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland oo weli diidan hannaanka ay doorashada ku wajaheyso dowladda Soomaaliya ayaan soo magacaaabin guddiyadooda doorashada.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, iyada oo uu waqtigu yahay mid gabagabo ah, balse beesha caalamka ayaa wada qorshe lagu qabanayo shirweyne kale.