Bile Xaaji Masale oo Xamar lagu dilay, dowladda SOMALIA iyo warbaahinta oo been ka sheegay

Marka hore allaha u naxariisto Marxuum Bile Xaaji Masale, waxaana alle u rajeynayaa inuu alle u nuuriyo qabriga, sidoo kalana ehelka iyo asxaabta uu ka baxay leeyahay samir iyo iimaan allaha idin kasiiyo. Booskiisana baddel khayr qaba.

Haddii aan intaasi uga soo noqdo hordhaca qoraalkeyga, waxaan rabaa in aan uga hadlo geeri dhawaan ku timid Bile Xaaji Masale oo ka mid ahaa qurba-joogta Soomaaliyeed ee dalka kusoo notay , taasi oo ka dhacay xaafada Taleex ee Muqdisho, kaasi oo markii uu dhintay halkii ay dowlada soo qaban laheyd kuwii dilay ay ugu dartay dilkiisii ka been sheegid waxa uu ahaa iyo waxa uu la god galay!!.

Maalintii isniintii oo aheyd 21-12-2015 ayaa xilli uu ku socday gaarigiisa waxaa gaari inta ku hor-gooyey kadibna ooda uga qaaday rasaas xooggan dabley arxandaran, kuwaasi oo isaga oo dhan ka dhigay shaandho. Meesha ay ku dileen ma ahan goob cidlo ah, sidoo kalana ma ahan meel ilaalo dowladeed iyo mid shirkadeed ku yar tahay, ee waa meel ay ciidamada jooga ee kala danta ah ciidaasi ka badan yihiin. Haddana waxaa sahal noqota in maalinkasta qofka waxtarta u leh bulshada hortooda lagu dilo, oo aysan waxba ka qaban dhiig-yacabka sidaasi yeelaya.

Muuqaalada sawir iyo daawasho ee laga soo qaaday Bile Xaaji Masale iyo gaarigii lagu dhex dilay ayaa ahaa kuwa naxdin badan igu reebay, waxaana muraayada gaarigaasi ka muuqata in rasaas loogu furay sidii roobkii. Waxaana taasi ay keentay in isbitaalkii loola cararay uu waxba ka qaban waayo, kadibna uu halkaasi ku geeriyoodo.

KADIB MAXAA DHACAY : 

Dowlada Soomaaliya laamaheeda ammaanka oo u badan kuwa dhanka aqoonta iyo waaya-aragnimada baarista waxa dhacay ama qaabka looga hadlo xilliga falkaasi uu dhacay ka aradan, ayaa durba waxay baaritaan ugu dhaqaaqday baabuurkii uu watay Bile Xaaji Masale, waxaana si fudeyd uu ka muuqdo ugu dhawaaqeen inuu ahaa “SARKAAL KA TIRSAN NABADSUGIDA OO LA DILAY!!”. Been badanaa, oo degdeg badanaa.

Hadalkaasi waxaa uu noqday danbi weyn oo laga galay shaqsiyada marxuumka iyo waliba dilkiisa oo la rabo in loo saariyo wax uusan shaqo ku laheyn. Waxaana xaqiiqo ah inuusan ninkaasi wax howlo dowladeed ah ku jirin, ee maxaa raga dowlada ku jira ay arrintaasi ugu tilmaameen Marxuum Bile Xaaji Masale?

Marxuum Bile Xaaji Masale oo aan kawada qeybgalnay casumaad uu inoo sameeyey Wariye Dulyar: Muqdisho, Somalia 20-05-2015
Marxuum Bile Xaaji Masale oo aan kawada qeybgalnay casumaad uu inoo sameeyey Wariye Dulyar: Muqdisho, Somalia 20-05-2015

Wax kale ma ahan, ee warqad ama form laga buuxiyo qofkasta oo badi kasoo dega garoonka Muqdisho ama degga hotelada Muqdisho oo ay leedahay hay’adda Nabadsugida, kaasi oo la siiyey markii uu dalka soo galay ayey ka heleen gaarigiisa. Hadde waa form cidkasta laga buuxiyo ee ma ahan form ka mid noqoshada hay’ad nabadsugid iyo mid kale oo amni!!. Waana hal warqad oo uusan xitaa buuxin, kadibna iyaga oo warqadaasi ka duulaya oo aan heysan wax xog ah oo kale ayey marxuumkaasi ka been sheegeen qofka uu ahaa, xil uusan heyna dusha ka saareen!!.

DOORKA WARBAAHINTA IYO BEENTAASI:

Warbaahinta oo lafteeda baaris sameyn ama xitaa la xiriirin ehelka marxuum Bile Xaaji Masale, ama aan madaxda dowlada ee warkaasi sahalka ugu dhawaaqay sii weydiin su’aalo la xiriira halka uu nabadsugida kasoo galay iyo goorta uusoo galay, haddiiba warkooda la xiganayo ayaa waxay bilaabeen inay warkaasi sii faafiyaan, taasi oo dhaawac weyn kusii noqotay caruurtiisa iyo ehelkiisa kale ee dibada iyo dalka wada jooga. Maxaa yeelay in la dilay, waxaa uga sii darnaatay in been laga sheegay waxa uu ahaa.

Aniga qoraalkan qoraya ee ah Abdiweli Garyare, waxaan Allaha u naxariistee Bile Xaaji Masale aheyn saaxiibo sheeko iyo shaqo wadaag noqday. Waxaana isla galnay safaro dhowr ah oo dalka Soomaaliya gudihiisa ah, waliba sanadkan aan ku jirno ee 2015. Waan idin ka sheekeyn doonaa socdaaladaasi, ee bal aan idin baro Bile Xaaji Masale iyo qofka uu ahaa.

Kuma ayuu ahaa Bile Xaaji Masale?

Bile Xaaji Masale,  waxaa uu ka dhashay qoys caan ah oo ay Soomaalida badi wada garanayaan, waxaana si weyn looga xusi karaa raga uu la dhashay ee iyagana dhawaan geeriyooday Gen, Cumar Xaaji Masale iyo Abdiqadir Xaaji Masale.

Waxaa uu Bile Xaaji Masale dalka Soomaaliya ka baxay sanadkii 1989, xilligaasi oo uu waxbarasho Jaamacadeed u aaday dalka Kuwait, markii uu dhameystay jaamacada kadibna uu arkay in dalkii Soomaaliya uu burburay dowlad ahaan, waxaa uu usii gudbay dalka Canada oo uu degaan cusub ku noqday.

Muddo badan markii uu halkaasi ku noolaa ayuu waxaa uu goostay inuu dib ugu soo noqdo Africa oo uu ka bilaabo ganacsi, isagoona ka bilaabay dalka Uganda,oo uu ka furtay meherad taasi oo aan in badan usii socon, waxaana ay keentay inta uu xiro inuu dib ugu noqdo dalka Canada oo ay caruur uu dhalay ka joogaan.

Sanadkii 2012 oo aheyd bilowga markii ay qurba-joogta Soomaaliyeed dib ugu soo noqdeen Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, iyagoo u arkay xilligaasi in yididiilo nabadeed dalka kasoo carfeyso ayuu Bile Xaaji Masale ka mid noqday raga go’aansaday inay Muqdisho yimaadana, kadibna u dhaba-galaan howlaha ganacsi ee laga hirgelin karo.

Waxaa uu si gaar ah hiyiga ugu hayey hirgelinta shirkad ganacsi oo howlaha kaluumeysiga ku xeeldheer, inkastoo uusan hirgelin haddana waxaa wali uu waday fariisinta qorshaha ay shirkadaasi ku noqon karto mid ballaaran oo aan degdeg lagu furin. Waxaana sidoo kale uu tegay magaalooyin dhowr ah oo uu ganacsi u tegay.

Waxaa ka mid ah Hargeysa, Baydhabo iyo Kismaayo oo aan aniga lafteyda isku raacnay. Dhammaan howlahaasi uu ku jiray waxaa ay ka marnaayeen wax siyaasad ah, waxaana uu nolosha ugu jeclaa ganacsi ku dhisan nabad, isagoona iska fogeyn jiray ka hadalka wax siyaasad la xiriira.

Dhinaca kale, waxaa uu la shaqeyn jiray si caawinaad ah hay’adda HIRDA oo ka shaqeysa waxbarashada, caafimaadka iyo kor u qaadista ciyaaraha. Isagoona xafiisyada ay gobollada dalka ku leeyihiin badi u tegay howlo shaqo. Waana halka aan aniga Abdiweli Garyare ah ku bartay.

Bile Xaaji Masale, oo aan wada fadhino madaxtooyada Jubbaland, aniga, isaga iyo Wariye Ahmed-Nuur Maxamed 21-05-2015: Kismaayo.
Bile Xaaji Masale, oo aan wada fadhino madaxtooyada Jubbaland, aniga, isaga iyo Wariye Ahmed-Nuur Maxamed 21-05-2015: Kismaayo.

Bile Xaaji Masale, oo aan safarka Kismaayo isku raacnay dhamaadkii 21-05-2015,  ayaa waxaan kusoo hadal qaaday in aqoonta uu leeyahay iyo wadaniyada ku jirta uu uga faa’ideeyo shacabkiisa, oo uu waliba siyaasada waxa uu ku biirin karo ku daro. Waxaana uu si aan leexad laheyn iigu jawaabay:

“Garyare, waxaa nolosha dalkeena ugu macaan waa ka madaxbanaanaanta waxa lagu sheego siyaasada iyo maamulada is barbar ordaya. Waxaana rabaa in aan u noolaado sida ay u nool yihiin dadka shacabka ah ee deggan meel aysan xitaa joogin wax siyaasad sheegta” Ayuu yiri Allaha u naxariistee Bile Xaaji Masale.

Aniga hadalkaasi waxaa uu igu noqday wax igu cusub, maxaa yeelay waxaan aqaanay qurba-joog iyo guda-joog ku qarwa “Goorma ayaa xil dowlada ama maamul hebal lugta la galeysaa, si aad uga maaleysato”. Waxaana u aqoonsaday markaasi Bile Xaaji Masale, inuu ku jiro dadka Soomaaliyeed ee fara ku tiriska ah ee jecel inuusan ku milmin siyaasadda dalka ee aan u bixiyey “Maan-wareerinta shacabka”.

Hadalka kale, ee uur ku talaada igu reebay ee aan ka guntay allaha u naxariistee Bile Xaaji Masale, ayaa waxaa ka mid ahaa inuu yiri  “Xilka aad maanta Soomaaliya ka qabataa, waa cuqubo ku dhaceysa caruurtaada, maxaa yeelay waa xil aadan daacad u gudaneyn kadibna isha boqolaalka shacab ee dhiman dhul dhici meyso, ee waxay si aadan fahmeyn bilowga ugu dhaceysaa caruurtaada”

Marka aan aniga hotelada waa weyn ee Muqdisho ama Kismaayo cuntada u raadsanayo waxaa uu ahaa Bile Xaaji Masale nin iga hara oo raashinka kasoo cuna meelaha ay madaxda ka fog tahay, maxaa yeelay halkaasi ayuu aaaminsanaa inay nolol ahaan u wanaagsan tahay islamarkaana uu aaminsan yahay inay Soomaalinimada halkaasi jirto. Inkastoo aan la qabo aragtidaasi, haddana ammaan ka nafteyda ayaan uga cabsan jiray meelaha uu isaga naftiisa uga cabsan jirin. Sababtana waa aniga oo wariye ah iyo isaga oo ah qof shacab ah oo bulshadiisa ku jira.

Waligiis howl dowladeed kama  mid noqon, iska daa howlo fiican, ee waxaa uu ka carari jiray howlaha ay qabtaan shaqaalaha rayidka ee dowlada. Isagoona inta badan ka jeclaa taasi inoo noqdo muwaadin xornimo ku heysta dalkiisa hooyo. Waxaana uu arrintaasi darteed uga soo tegay dalka Canada oo ay u joogaan caruurtiisa kuwaasi oo kala ah 4 gabdhood iyo wiil.

DOODA DOWLADA IYO WARBAAHINTA  LAGA RABO:

Haddaba, waxaa dowlada Soomaaliya iyo warbaahinta ku tilmaantay  inuu Bile Xaaji Masale yahay sarkaal nabadsugida ka tirsan, waxaa laga doonayaa inay arrintaasi cadeyn u keenaan ama inay raaligelin ka bixiyaan marxuumkaasi dhintay ee geeridiisa loogu daray xilka uusan aheyn. Maxaa yeelay waxaa ay ka mid noqoneysaa in loo dilay xilkaasi la huwiyey darteed,

Inkastoo wararka qaar soo baxaya ay sheegayaan in shirqool qof kale loo dhigay isaga lagu qalday oo sidaasi lagu dilay, maadaama wararka la helayo ay sheegayaan in gaariga uu watay iyo qofka la raadinayey ay isku muuqala yihiin, haddana waxaa dowlada Soomaaliya laga doonayaa inay la xisaabtamaan saraakiisha xogta beenta ah bixiyey, sidoo kale qof aan xil dowladeed heyn warbaahinta si cad uga sheegay inuu xil hayey.

” Bile Xaaji Masale, waxaa loo dilay sida loo dilo shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool, waxaana xanuunka soo gaaray kala simanahay guryaha kale oo ay geerida noocan ah ka dhacdo maalinkasta, laakiin waxaan la aqbali karin in dowlada ay ku sheegto xil uusan aheyn, taasi oo ka dhalaneyso laba danbi oo kala ah, dowladnimada oo lagu ciyaaro, maxaa yeelay qofkasta oo la dilo haddii xil uusan dowlada ka heyn loo saariyo, hadde waa mid dowladnimada nuxur dileysa, sidoo kalana waa gef loo geystay marxuumkaasi” ayuu yiri qof ka mid ah ehelka marxuumka.

Ugu danbeyntii waxaan kusoo xirayaa qoraalkeyga inuu innaga wada baxay muwaadin Soomaaliyeed oo dalkiisa hanweyn ku qabay, isaga oo nabad ku joogay Canada goostay inuu naftiisa ku celiyo Muqdisho, si uu dunida kale ugu muujiyo in dalkiisa nabadi ka jirto, taasi oo ugu danbeyntii keentay inuu ku dhinto qaab uu warbaahinta ka arki jiray in dadka loogu dilo Muqdisho, haddase isaga ku timid. Inkastoo sifaha loo dilay isaga loo baddinayo in lagu qaldamay. Alle ayaase xaqiiqda innaga oge.

“Bile Xaaji Masale galbay, balse been ma mudna”

Qore: Abdiweli Ibrahim Garyare
Email: garyare139@yahoo.com
Amsterdam, Netherlands.