Sawirro: Wasiirka amniga Jubbaland iyo Anand Pillay oo wada kulmay (Maxay ka wada hadleen?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminaayo Taliyaha Boliska AMISOM ee Somalia Anand Pillay iyo ku-xigeenkiisa Christine Alalo.

Wafdiga ayaa kulan wakhti badan qaatay la yeeshay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish, waxaana kulanka ku wehlinaayay La-taliyaha madaxweynaha Jubbaland Cabdi Cali Raage.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay dhowr qodob, waxa ayna madaxda maamulka dhankooda diirada ku saaren sida mar un Ciidamada Boliska Kismaayo looga xaqabtiri lahaa baahiyaha ka heysta dhanka tababarada iyo qalabeynta.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Jubbaland waxa uu sidoo kale, Taliyaha Ciidamada Boliska ee AMISOM ka dalbaday in la qalabeeyo haddii ay suuragal tahay ciidamada, si uu yiri meesha looga saaro niyad jab ku yimaada ciidamada Boliska.

Kulanka ayaa waxaa leysku afgartay qodobada soo socda:-

1- In Jubbaland lagu wargeliyay in ciidamo cusub oo Boolis ah loo tababari doono.

2- In tababarka uu bilaaban doono 15/01/2016.

3- In labada dhinac iska kaashadaan kana wada shaqeeyan dhaqan gelinta Barnaamijkan.

dar

darw

darwi

darwii

darwiish-boolis1