Ciidamada UGANDA oon mushaar qaadan 7 BIL

Kampala (Caasimada Online) –  Ciidamada ka socda dowlada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee gudaha Soomaaliya ayaanan qaadan wax mushaaraad ah muddo todobo bilood ah, sida ay shaaciyeen xubno ka tirsan dowlada Uganda.

Ciidamada oo ku sugan Soomaaliya ayaa la sheegay in mushaar uu ugu dambeeyay bishii May ee sanadkaan, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa in ciidamada aysan qaadan mushaarkooda.

Agaasimaha wasaarada gaashaandhiga dalka Uganda Jeje Odongo oo khudbad u jeedinayay baarlamaanka dalka Uganda ayaa shaaciyay in ciidamada kaga sugan Soomaaliya aysan helin xuquuqda ay lahaayeen muddo todobo bilood ah.

“Ciidamadeena qeybta ka ah AMISOM tan iyo July ma aysan qaadan wax mushaaraad ah, waxaana mushaarkooda ugu dambeysay bishii May”ayuu yiri isaga oo la hadlay xildhibaanada Uganda.

Ciidamada Uganda oo Soomaaliya soo gaaray tan iyo 2007 ayaa askari kasta oo kamid ah wuxuu qaataa 1028 doolar sida uu sheegay Korneyl Paddy Ankunda afhayeenka ciidamada dowlada Uganda.

Mishaaraadka ciidamada AMISOM ayaa loosoo mariyaa midowga Africa, waxaana marar badan dhacday in dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ka cowdaan mushaar la’aan