Blinken oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray is-mari waaga doorashada Soomaaliya iyo dibad-baxyadii Muqdisho

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa qoraalkii ugu kululaa kasoo saaray is-mari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay doorasho deg deg ah oo dalka ka dhacda.

Blinken ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay aad uga walaacsan tahay is-mari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya, oo uu sheegay inuu abuurayo hubanti la’aan siyaasadeed oo halis gelinaya amniga, xasiloonida iyo horumarka dalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay meel iska dhigaan hadafyada siyaasadeed ee kooban, oo ay qaataan mas’uuliyadda ay u hayaan shacabka Soomaaliya, ayna deg deg isugu raacaan qabashada doorashooyin deg deg ah, loo dhan yahay islamarkaana daah-furan,” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu sheegay in is-mari waaga uu waxyeeleynayo horumaradii ay sameysay Soomaaliya islamarkaana uu dib u dhigayo isbeddelada deg degga ah ee ay u baahan tahay Soomaaliya si ay ugu sii socoto waddada ay ku gaareyso deyn cafin buuxda, ayna wiiqeyso la-dagalaanka argagixisada.

Blinekn ayaa sidoo kale taageero u muujiyey dibad-baxyada shacabka Soomaaliyeed ee dowladda ay isku dayday inay hor-istaagto.

“Mareykanka waxa uu taageerayaa xuquuqda ay muwadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin inay si nabdoon u dibad-baxaan, waxa uuna si qayaxan uga soo horjeeda in dhinacna uu rabshado u adeegsado,” ayuu yiri.

“Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyayaasha Soomaalida, inay ilaaliyaan mustaqbalka dalka ayna gaaraan heshiis si deg deg ah loogu fulinayo doorashooyinka baarlamanka iyo madaxweynaha,” ayuu yiri.