Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya oo noqoday laba garab oo awood badan 

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, ayaa abuuray awoodo siyaasadeed oo dowladda ku jira islamarkaana ah laba awoodood oo iska soo hor-jeeda.

Sida caadiga, haddii uu dhamaado muddo xileedka hay’adaha dowladda, sida baarlamaanka iyo madaxtooyada, waxaa geedi socodka doorashada iyo ka bixitaanka waqtiga kala guurka ah dalka la rabaa in ay ka saaraan maamul gobaleedyada dalka iyo xukuumada xiligaas jirta waana sababta maanta loo abuurayo awoodo iska soo horjeeda oo sharci ah. 

Madaxweyne Farmaajo oo kaashanaya maamulada taabacsan ee Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa noqday Isbaheysi isku dan ah islamarkaana ka shaqeeya danahooda gaarka ah, halka Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay iyagana Khamiistii abuureen Madasha Badbaado Qaran ah oo ay ku jiraan maamulada Puntland, Jubaland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo haddii si kale loo eego ah Gobalada Waqooyi. 

Xaalada ayaa noqotay saddex iyo saddex oo ay gadaal ka joogaan Madaxweynaha Waqtiga ka dhamaaday iyo Madaxweynayaashii ka horeeyay. Sidoo kale xaalada ayaa u muuqata in ugu dambeyn la isugu imaan doono wada-hadal dhab ah oo labada garab ah.

Waa Madal Badabaado tii ugu awooda badneyd oo dalka laga aas aaso tan iyo ka bixitaanka marxalada kumeel-gaarka ah iyo ka sii horba markii ay bur-burtay dowladnimada Soomaaliya. 

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqdo in wajahayo guul darrooyin siyaasadeed oo waa weyn, kuwaas oo ugu dambeyn sababi kara in uu hor-fadhiisto Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Axmed oo kursiga kaga horreeyay islamarkaana uu kala dhaxeeyo khilaaf culus, si uu heshiis ugala gaaro doorashada.. 

Jawhareerka iyo khilaafyada siyaasadeed ee dalka ayaa sii xoogeystay lamana oga meesha ay sal dhigan doonto xaalada wadanka oo maalin walba ka sii dareyso.