CC Sharmaarke oo jawaab kulul ka bixiyey qoraal uu ka faafiyey Abuukar Cawaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa si adag uga jawaabay eedeyn la xiriirtay heshiiska MOU oo la sheego inuu keenay damaca Kenya ee Badda, kaasi oo u jeediyay Abuukar Cawaale.

Abuukar Cawaale oo soo dhigay qoraal bartiisa Facebook ayaa sheegay in heshiiskii is-faham ee 2009-kii uu amar ku bixiyey Cumar Cabdirashiid, islamarkaana uusan wax shaqo ah ku laheyn Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xiligaas lagu amray inuu saxiixo, sida uu sheegay.

“Madaxweyne Sh Shariif shaqo kuma lahayn mana ogeyn meel lagu saxiixay MOU ninka amarka bixiyey Wuxuu ahaa R/Wasaare Sharmaarke ee ninkaas hala raadiyo. CCW Sawirka gal oo warqadaas saxiix ayaa lagu amray (Qob moos ayaa loo dhigay) ee hala raadiyo kaabalaadarka weyn Mr Cumar,” ayuu yiri Abuukar Cawaale oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka.

Saacado kadib waxaa jawaab kulul eedeyntaas kasoo bixiyey Cumar Cabdirashiid. wuxuuna yiri “Abukar Awale Qof aan garanayo ma tihid waxaase yaab leh inaad Weli ku gaaf wareegayso MOU baa la saxiixay adigoo og in MOU da ay maxkamadii caalamiga tiri nuxurkeeda wuxuu ahaa continental shelfs ka ku darsashadeeda oo kenya ay ka carartay Maxkamada inay kasoo qayb gasho. Adiga iyo inta weli rabta Somali inay ku marin habaabiso arrinkaan iyo kuwa lacagta indin kusiiyaba qalbiga Ayad ka jiran tihiin”.

Heshiiska MOU wax saameyn ah ma ku leeyahay kiiska Badda ee dhawaan dhageysigeeda laga furay Maxkamada ICJ?

Heshiiskas is-faham ee 2009-kii (MOU) ayaa waxaa mid kamid ah qareenada Soomaaliya ee dacwadda Badda uu sheegay in is-fahankii ay labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii, uusan wax khilaaf ah ku ahayn dacwadda.

Philippe Sands ayaa sheegay in is-fahamkaas uu kamid ahaa qodobbada ay Kenya illaa iyo hadda cuskaneyso, kaasi oo ay kala saxiixdeen dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya, islamarkaana la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.

Is-afgaradkaas wuxuu dhigayay in labada dal aysan iska hor istaagin inay gudbitaan cabbirka, xogta iyo qariiradaha la xiriira Qalfoof badeedka labada dal, oo loo gudbinayay Guddi Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qalfoof badeedka dalalka Caalamka.

Is-fahamkaas waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Sida ay sheegen qareenada dalkeena Is afgaradkaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hannaankii loo mari lahaa oo ah in wada-hadal lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.