Booliiska Gobolka Banaadir ‘oo joojiyey’ kulankii BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa goor dhow shaaciyey in taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu joojiyey kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo qorshuhu ahaa in looga doodo mooshin ku aadan doorashooyinka qaran ee 2021.

Saadaq Joon ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliyeed uu waajib qaran ka saaran yahay nabad-geylada guud iyo xasiloonida magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa sababta ugu weyn ee loo joojiyey kulanka baarlamaanka ku sheegay, si looga hortago in dalka la geliyo fowdo & qalalaase.

“Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaa maanta hakinay kulankii ay lahaayeen, waxaana u hakinay oo loo baahan yahay wax boob ah oo la boobayo in aysan dhicin, is-faham siyaasadeedna la gaaro,” ayuu yiri taliya qeybta Booliiska ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya looga baahan yahay inay aadaan deegaanadooda iyo doorashooyin, maadaama uu ka dhammaaday muddo xileedka.

“Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan leeyahay 4 sano ayaad joogteen afartii sanana waa idinka dhammaatay waa la’idin soo doortay ee doorasho dib ugu laabtay,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu xusay in aysan ogoleyn in la sameeyo muddo kororsi dalkan u horseedayo dib u dhac horleh iyo in dib loogu noqdo dagaalladii sokeeye.

“15-ka bilood oo la kororsado oo dib noo dhigta 15 sano ma dooneyno waxaa loo baahan yahay in la qaato mas’uuliyada wadareed,” ayuu markale yiri Saadaq Joon.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo ka dalbaday inuu qaato doorkiisa ku aadan doorashooyinka.

“Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaan ka codsanayaa ama u sheegayaa wadanka mas’uuliyaddiisa inuu qaato. Dadka is-diidan wax kala xoogaya ha-ku celiyo Teendhada ayaa furan shirkii ayaa furan nabad ayaa furan ha-lagu laabto ha-lagu soo kala goosto”.

Si kastaba go’aankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo laga baqayey in baarlamaanka uu ku dhowaaqo muddo kororsi loo sameeyo madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dowladda.