Daawo: Madaxweyne Qoor Qoor oo si cad uga horyimid muddo kordhin la sameeyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyey in marnaba uusan taageeri doonin mudo kororsi, xilligaan loo sameeyo hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka Soomaalliya.

Madaxweyne Qoor Qoor oo wareysi siiyey TV-ga Somali Cable, ka hor inta aanu baarlamanka ku dhowaaqin kulanka maanta ee muddo kordhinta, ayaa sheegay in uusan maqlin wax mudo kororsi ah, markii laga reebo wararka xanta ah, isla markaana warar aan xaqiiqo uusan wax weyn ka soo qaadin.

“Dalku xilli doorasho ayuu ku jiraa, mana qabo inuu dhici karo wax la yiraahdo mudo kororsi saxna maaha, dalku doorasho ayuu gelayaa waan ku kalsoonahay, dad ayey eedo ku raaci doonaan si kasta oo wax loo qorxiyo, cid kasta oo taako ku ah doorashada dalka waxaan u rajeynayaa inay ka waantowdo oo dalka iyo dadka loo tanaasulo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii uu shaaciyo musharaxnimadiisa madaxweyne Farmaajo uu ula sinaa doono musharaxiinta kale ee kula tartami doonta xilka madaxtinimo.

Mar wax laga weydiiyey waxa uu ka aaminsan yahay in madaxweyne Farmaajo lagu cadaadiyo inuu saxiixo waqad qeexeysa awoodiisa, maadaama doorasho lagu jiro, isaguna uu musharax yahay waxa uu ku jawaabay, “Dadkan waxaa kala hagi kara shuruucda dalka, Madaxweyne Farmaajana sharciga kama weyna, hadii uu awoodiisa dhimi karo, macnaheedu waxay tahay waana dheereysa karaa, awoodaasna cid leh ma jirto meel ay ku qorantahayna ma jirto.”

Hoos ka Daawo