Booliiska Somaliland oo xiray haweeney tacadi u geysatay gabar u shaqeyneysay

Hargeysa (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay xabsiga dhigeen haweeney tacadi u geysatay gabar shaqaale u aheyd.

Haweeneydaan ayaa baraha bulshada ku faafisay muuqaalka ay sida xun ula dhaqmeyso gabadha yar, wuxuuna kiiska noqday mid aad loogu hadal qaaday baraha bulshada.

Samsam Ismaaciil Cartan ayaa lagu magacaabaa haweeneyda lagu eedeeyay dacwad la xiriirta ku tumasho xuquuq shaqaale.

Dhanka kale gabadha tacdiga loo geystay ee baraha bulshada aadka loogu hadal qaaday ayaa shaqo laga siiyay bangiga dhexe ee Somaliland.

Gabadha la shaqaaleysiiyay waxaa magaceeda lagu sheegay Ayaan Maxamed Yuusuf, waxeyna haatan noqotay shaqaale rasmi ah oo ka tirsan Bangiga dhexe ee Somaliland.

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ayaa sheegay in gabadhaas tacdiga loo geystay ay siiyeen shaqo rasmi ah, maadaama ay darseen duruufaha qoys ahaan ku gadaaman, sidoo kalana muuqaalada laga duubay ay ka muuqatay inuu gacanta ugu xiran yahay calanka Somaliland.