Saraakiil Shabaab ah oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Balcad ( Caasimada Online ) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay xalay saq-dhexe guutada 3-aad, ururka 19-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fulisay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan 8 KM u jiro degmadaasi, sida uu shaaciyey taliyaha qeybta 27- aad ee Xoogga dalka Janaraal Maxamed Axmed (Tareedisho).

Sidoo kale taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab.

Tareedisho ayaa intaasi ku daray in howlgalkaasi lagu soo qabtay waxyaabo qarxa oo la doonayey in shacabka lagu dhibaateeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Xalay waxaa ka loo ay ciidanka fuliyeen howlgal ay ka sameeyeen degaan 8 Km u jirta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ku dileen Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana laga soo qabtay waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri taliye Tareedisho.

Muddooyinkii dambe ciidamada Xoogga ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan wadada isku xirta Balcad & Jowhar oo ay inta badan weeraro ka fuliso Al-Shabaab.