Xaaladda murugada leh ee gobolka BAKOOL (Warbixin)

Zahra Axmed GacalBy Zahra Axmed Gacal

Xudur (Caasimada Online) – Gobolka Bakool oo ka kooban shan degmo ayaa laga soo werinayaa in seddax ka mid ah ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo aad udaran, kadib markii ay Al-shabaab kordhiyeen cunqabateynta dhinaca dhulka ah oo ay ku soo rogeen degmooyinka Waajid, Ceel-barde iyo Xudur.

Muddo laga joogo 8-sano ayey Al-Shabaab go’doon geliyeen degmooyin ka kala tirsan gobollada Bakool, Bay iyo Hiiraan, hase yeeshee 6-dii bilood ee u dambeysay ayey Al-Shabaab xoojiyeen go’doonka ay geliyeen shacabka ku nool gobolka Bakool, waxeyna Caasimada ogaatay in arintaan ay ka dambeysay laba arrin oo kale ah.

1- Shacabka gobolka Bakool ee ku nool degmooyinka ay maamusho dowladda waxay u qeybsameen laba dhinac oo kala ah, qaar u go’ay dowladda oo aan haba yaratee wax macaamil ah la laheyn Al-Shabaab iyo qaar aan labada dhinac midna u go’in oo isaga baxay gobolka, si ay u helaan nolal u dhaanta tan ka dhalatay go’doonka Bakool.

2- Arrinta kale ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay ciidan tiro yar oo gaadiidka ka soo galbin jiray soodinta gobollada Bakool iyo Hiiraan ay u qaaday gobalka Gedo, sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u sheegay in 6-bilood ka hor Al-Shabaab inta aysan adkeynin cuna-qabateenta saaran gobolka ay dadka deegaanka ku amreen in ay garsoor usoo doontaan Al-Shabaab, bixiyaana wax loogu yeeray Zakawaad, iyo in ay lacag ka dhibaan adeegyada soo gala dhulka dowladda, balse ay diideen bulshada gobolka, waana sababta keentay in la gubo gaadiid badan oo raashin u siday, dadkii waday la dilo, hanti badanna ay Al-Shabaab qaateen ama gubeen.

Qof kamid ah shacabka ku nool magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool ayaa sheegay in maciishada qutul daruuriga ah, sida Sokorta, Burka iyo Bariiska loorkii uu gaaray $80, waa hadiiba la helo, maadaama albaabada la isugu laabay goobihii ganacsiga.

“Sababta naloo go’doomiyey waa dowladda oo aan u taageersanahay, magaalada aan joogo ee Xudur hadda mayaalo wax raashin ah, dadkii yaqaana meel ay aadaan ama hela kharash waxay maalin kasta raacaan diyaaradii timaada,” ayuu yiri qofkaas ku nool Xudur oo aan magaciisa u qarinay sababo ammaan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay booqasho ku tegay Xudur oo sidii uu ku ogaa ka liidatay todoba bilood ka hor oo mar uu booqday magaaladaas.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal BFS oo maalin ka hor warbaahinta la hadlay ayaa eedeymo culus oo la xariira go’doonka ka sii daray ee gobolkaas u jeedisay madxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Madaxweyne Farmaajo dadka kasoo jeeda gobolada Gedo iyo Bakool isku si uguma cadaalad falin, waxay bulshadu arkayaan dadaalka dheeraadka ah ee aad galinayso gobolka aad kasoo jeedo ee Gedo. Ciidanka qaranka ee maalin walba loogu daabulayo goobo ay doorasho ka socoto, maxaa loogu bad-baadin waayay dadka noloshoodu halista ku jirto, mise kursiga ayaa ka muhiimsan nolosha dadka,” ayuu yiri Senator Xuseen Sheekh.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka tirsan baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya ayaa sheegay in arinta Bakool ay ka weyntahay maamulka daacada u ah Madaxweyne Farmaajo ee ka dhisan K/Galbeed, loona baahan yahay in Farmaajo shacabka Bakool abaal gud uga dhigo ka dulqaadista go’doonka Al-Shabaab, ka hor inta aysan ka dhimaanin maalmaha ka harsan muddo xileedkiisa.

“Way ku adagtahay K/Galbeed madaxweyneheeda inuu tallaabo qaado, marka dowladda dhexe ayaa la rabay inay gacan siiso, sida in dhaqaale lagu taageero ciidan loo diyaariyo, ciidamada dowladda 20-kun waa ka badanyihiin badankoodna Muqdisho ayey joogaan, marka dowladda waxaan u soo jeedinayaa inay tallaabo qaado oo wadadaas furto,” ayuu yiri Xildhibaan Idiris Cabdi.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa kordhay Xildhibaano iyo siyaasiin ka soo jeeda Gobalka Bakool oo ka hadlaya dhibaatada ka taagan degmooyinka Ceel-barde, Waajid iyo Xudur.

Waa 9-sano inta uu xaaladan go’doonka ah wajahayo gobolka Bakool. Dad badan ayaana aaminsan in qeyla dhaanta xildhibaanada Gobolka ka soo jeeda ee maalmahaan korartay ay tahay qeyb kamid ah olalahooda dib u doorashada, maadaama ay aamusnaayeen sanadihii la soo dhaafay oo haddii ay qeyla dhaamiyaan la’aaminsan yahay in xaaladu sidaan iska badali laheyd.

Inkastoo dhibaatooyinka Al-Shabaab ay wada saameeyeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, hadana dhibaato gaar ah ayey wajahayaan shacabka go’doonka ku jira ee gobollada Bay, Bakool iyo Hiiraan, waxaase is weydiin mudan, haddii labadii Madaxweyne ee soo maray dalkan 8-dii sano ee la soo dhaafay ay ku guul dareysteen in laga qaado go’aanka Al-Shabaab, Madaxweynaha xiga maku guuleysan doonaa? Sidee ayeysa ka hor noqon kartaa nolasha dadkaas oo gacan ka waayay dowladii ay Al-shabaab ka doorteen?