Video: DF oo ballan-qaaday in Hooyo Luul ay caddaalad hesho afar sano kadib

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada aad loogu faafiyey qisada Luuley Cismaan Xasan oo ah Hooyo danyar ah oo ku nool xaafadda Ansalooti ee degmada Xamar-jajab, isla markaana cadaalad darro weyn ka tabaneysa dowladda Soomaaliya.

Hooyo Luuley waxay dhashay 14 carruur ah, balse waxaa hadda ka nool hal wiil oo kaliya. Kaas oo sifo aan sharci aheyn mudo ku dhaw 4-sano dowladda Soomaaliya ugu xiran.

Magaca wiilka Maamo Luuley, waa Xasan Cali Ibraahim oo ku magacdheer Xasan Eelaay, sanadkii 2015-kii ayuu ku biiray ciidamada dowladda, balse markii uu mushaar la’aan noqday mudo 8-bilood ah oo xiriir ah, waxuu iibsaday qorigiisii oo aah AK-47 ay dowladdu siiday, si uu ugu maareeyo noloshiisa.

Hasa yeeshee bishii Maarso ee sanadkii 2017-kii ayaa loo xiray sababta uu u iibsaday qorigii ay dowladda siisay, wuxuuna xabsi ku jiraa sanadkii 4-aad. Ilaa maantana caddaalad ma helin oo maxkamad lama soo taagin.

Hooyada dhashay wiilkaas Luuley Cismaan Xasan todobaadkii mar ayey ku booqataa xabsiga, balse waxay sheegtay in ilaalada xabsiga ay si joogto ah uga qaataan boqol kun oo shilin Soomaali ah, si loo tuso wiilkeeda.

Hooyo Luuley oo 78 jir ah waxay dhabarka ku qaadataa dambiil ay uga xamaalato suuqa Ansalooti, si ay u shaqaysato quudkeeda, una hesho lacag ay ku soo aragto wiilkeeda oo ay asbuuc kasta hal maalin booqato.

Qisada hooyadan waxaa bulshada u soo bandhigay Xuseen Sabriye oo ah wiil qoraa ah, kuna nool magaalada Muqdisho, waxuuna sheegay inuu ugu tegay suuqa ay ka xamaalaneysay, markii uu soo bandhigay xogteedana waxay aad ugu baahday baraha bulshada ee internetka.

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Xasan oo xalay Hooyo Luuley ku booqday hoygeeda ayaa sheegay inuu kala sheekeystay xaladda ay ku sugantahay iyo cadaalad darada ay tirsaneyso, isla markaana ay dowladdu si deg deg ah uga jawaabi doonto.

“Waxaan soo booqanay maamo Luul oo xogteeda aan ku aragnay baraha bulshada, markii aan akhrinayna aan ku fekernay xaqiiqada dhabta ah inaan soo aragno, waxaan dhageysanay cabashada maamadan, hadii Alle idmo berri waxaan ka howlgeli doonaa inaan cadaalad u raadino maamada wiilkeeda oo xabsiga ku jira, hadii sida ay sheegtay ay wax u jiraan, oo waxa loo heysto wiilkeeda ay tahay intaas yar, waxaan ku dadaaleynaa inaan u soo deyno wixii lagu lahaana aan ka soo bixino,” ayuu yiri wasiir Jaamac oo hoyga maamo Luul warbaahinta kula hadlay.

Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed waxuu dhigayaa in aan muwaadinka xabsi lagu heyn karin 24-saac ka badan, iyadoo aan maxkamad la soo taagin, balse maamadaan wiilkeedu waxuu xukun la’aan xiran yahay 1,418 maalmood.

Maamo Luuley waxay qiraysaa in wiilkeedu qalad galay. Balse waxay ka cabanaysaa in uusan caddaalad helin oo aan maxkamad lasoo taagin, aysanna ogayn maalinka uu xorriyaddiisa dib u heli doono halka wiil oo ay carruur ka haysato.

Hoos ka Daawo balanqaadka wasiirka