Maxaa ku dhacay ninkii doonayey inuu qur’aanka ku gubo magaalada Rotterdam?

Rotterdam (Caasimada Online) – Magaalada Rotterdam ee dalka Holland ayaa waxaa isugu soo baxay kooxaha Islaamka naceb kadib markii cunsuriga lagu magacaabo Edwin Wagensveld uu iclaamiyay dibadbax lagu gubaayo Qur’aanka Kariimka, hase ahaatee booliska ayaa ka hortegay dhacdadaas.

Ciidamada booliska ayaa gacanta ku dhigay Edwin Wagensveld oo hoggaamiya kooxda Islaamka neceb ee Pegida oo aflagaadeynayay Nabigeena sharafta iyo xurmada leh, wuxuuna ku dhawaaqayay erayo aad u xun oo ka dhan ah Suubanaheena, balse aynan ku celin karin. Booliska ayaa cunsurigaas ku qaaday gaari shabaqle ah, sida ay baahiyeen warbaahinta Netherlands.

Haddii aysan booliska goobta ku sugnaan laheyn, waxaa dhici lahaa rabshado sababi lahaa in cunsurigaasi uu dhibaato la kulmi lahaa.

Ururada Islaamka iyo dadka kale ee diimaha kale haysta ayaa aad ugu xumaaday, islamarkaana cambaareeyay falka uu ku dhawaaqay Edwin Wagensveld.

Dalalka Yurub qaarkood ayaa waxaa laga mamnuucay inuu tago Edwin Wagensveld, iyagoo xushmeynaayo Islaamka iyo nabadgelyada.

Dalka Holland ayaa waxaa ku xooggan kooxaha Islaam naceybka, waxaa a la ogyahay oo si weyn loo yaqaan hoggaamiyaha siyaasiga xisbiga PVV ee Geert Wilders, oo ku caan ah Islaam naceybka iyo soo galootiga, dhowr marna ku baaqay in dadka Islaamka soo galootiga ah in dalka laga saaro.

Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online