Wararkii ugu dambeeyey ee daadad kusoo rogmaday QARDHO + Khasaaraha

Qardho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Qardho ee hoostagta Puntland ayaa sheegaya in haatan xaalad adag ay ka taagan tahay magaaladaasi, kadib markii ay xalay ku rogmadeen daadad xoogan, kuwaas oo aan horay looga sii feejignaan.

Illaa saddex tog oo Qardho ku soo dhaca ayaa lagu soo warramayaa in biyo ka yimid meelo fog ku soo rogeen magaalada, gaar ahaan xaafadaha ku yaal dhanka hoose ee biyo dhaca.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed ay ka dhasheen daadadka markale ku dhuftay magaalada Qardho.

Ugu yaraan laba qof oo da’ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen daadadka xalay ku rogmaday Qardho, waxaana sidoo kale ku burburay guryo iyo goobo kale oo ganacsi.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Karkaar oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey saameynta ka dhalatay daadadkaasi, wuxuuna sheegay xaalad cakiran ay ka taagan tahay degmada Qardho, isaga oo qaylo dhaan u diray Puntland, dowlada dhexe & hay’adaha kale.

“Magaalada Qardho oo dhan biyaa maraya buundadii xattaa biyuhu dushay ka mareen , roob aan onkod iyo hilaac laheyn baa magaaladii biyo badan kusoo celiyey” ayuu yiri.

Waa markii labaad oo daadad xoogan ay ku dhufteen Qardho, waxaana u dambeysay 2020-kii oo biyo ay ku rogmadeen magaaladaas, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan.