Maamulka Puntland oo digniin cusub soo saaray kadib…

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Puntland ayaa digniin cusub oo ku aadan roobab dabeylo wata oo ku wajahan maamulkaasi u dirtay dadka shacabka ah, ayadoo ku baaqday in dadweynuhu ay muujiyaan feejignaan.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in saadaashu muujinayso roobab mahiiggaan ah oo ku soo foodleh Puntland, gaar ahaan Gobolka Nugaal.

Wasaaradda ayaa si gaar ah farriin ugu dirtay dadka degan dhulka godan iyo meelaha biya qaba-tinka leh oo ay suurtagal tahay inay ku rogmadaan daadad xoogan.

“Digniin ku saabsan roobabka; waxay saadaashu sheegaysaa inay jiraan Roobab mahiigaan ah, gaar ahaan gobolka Nugaal, haddaba waxaa bulshada Puntland ku wargalinaynaa inay ka digtoonaadaan meelaha biyo qabatinka ah Miyi, Magaalo iyo Xeebaha” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Puntland ayaa ugu baaqday kalluumeysatada iyo dadka u dhow xeebaha inay ka taxadaan badda, maadaama laga cabsi qabo roobab daadad wata oo markale kusoo wajagan deegaanada maamulkaas.

Digniintan ayaa ku soo beegantay, ayada oo xalay ay daadad xoogan ay ku rogmadeen magaalada Qardho, kuwaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac & burbur.

Waa markii labaad oo daadad xoogan ay ku dhuftaan Qardho, waxaana u dambeysay 2020-kii oo biyo ay ku rogmadeen magaaladaas, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan.