WEERAR ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday hoteel ku yaallo Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ku billowday qarax xoogan oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Weerarka ayaa waxa lagu soo warramayaa in lagu qaaday hoteelka Tawakal ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay inoo sheegay in weerarka loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana kadib hoteelka gudaha u galay rah hubeysan.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana la soo warinayaa in weli rasaas xoogan laga maqlayo gudaha hoteelka la weeraray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkan iyo qaraxa ka horreeyey

Dhismaha la weeraray ayaa ku yaallo meel aan ka fogeyn hoteelka caanka ah ee Ex Cascaseey oo ay horey 2019-kii u weerareen xoogaga Al-Shabaab.

Weerarka Kismaayo ka socdo ayaa ku soo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyey magaaladan laga dareemayey abaabul ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan gobollada Jubbooyinka

Wixii soo kordho kala soco: Caasimada.net.