Maxaa kasoo kordhay weerarka tooska ah ee ka socda KISMAAYO?

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa weli ka socdo magaalada Kismaayo weerar toos ah oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen dhismaha Hoteelka Tawakal oo ku yaallo waddada aada dhanka dekedda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa ku billowday gaari qarax siday oo lagu dhuftay albaabka hore ee hoteelka la weeraray, kaas oo ay inta badan fariistaan siyaasiyiinta iyo madaxda Jubaland.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa jiro, balse si dhab ah looma xaqiijin karo, maadaama uu weli socdo weerarka lagu qaaday magaalada Kismaayo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in xilliga uu weerarka dhacayey hoteelka uu ka socday shir ku saabsan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale simaar dowladeed oo loo qabtay shaqaale ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Lama oga khasaaraha soo gaaray mas’uuliyiinta goobta ku sugneyd, waxaana weli socdo dagaal u dhexeeyo xubnaha gudaha u galay hoteelka iyo ciidamada ammaanka.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay in hooteelka ay la wareegeen xubnaha weerarka fuliyey, sida ay hadalka u dhigtay.

Si kastaba weerarka Kismaayo ka socdo ayaa ku soo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyey magaaladan laga dareemayey abaabul ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan Jubbooyinka.