Dhageyso: Axmed Daaci oo shaaciyey xogta dagaalkii cuslaa ee maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci oo ka hadlay dagaalkii cuslaa ee maata ka dhacay degaanka Masaajid Caliguduud ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa xaqiijiyey in dagaal aad u culus uu maanta ka dhacay deegaankaas.

Axmed Daaci oo u waramay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dagaal soo bilowday saakay afar saac oo barqonimo uu soo gaaray galabta gabal dhicii.

Sidoo kale guddoomiyaha oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysa dagaalka ayaa sheegay inay gabal-dhicii galabta ku guuleysteen inay Al-Shabaab ka saaraan deegaanka Masaajid Caliguduud.

“Saakay afartii saac ayuu dagaalku soo bilowday, waxaa la siku gaaray gabal-dhicii galabta, waxaana laga saaray, kooxda waa lagu laayey dagaalka, welina dagaalka faro kama qodna, inta ay dalka joogaan nimankaan,” ayuu yiri Axmed Daaci.

Mar la weydiiyey tirada xubnaha dagaalka looga dilay Al-Shabaab ayuu sheegay in tiro rasmi ah uusan sheegin karin, “Cadowga aad ayaa loogu jebiyey dagaalka, hadii ay muslim yihiina haween badan ayaa asaay qaadi doona,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalka hal gaari looga gubay kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay caawa ciidamada dowladda ku sugan yihiin deegaanka masaajid Caliguduud.

“Lagama hari doono waa sii daba joogi doonaa ilaa aan dalka ka xoreyno, hadda dagaalka anagaa ku gacan sareyna, welina culeys ayaa jira,” ayuu yiri.

Guddoomiye Axmed Daaci ayaa sidoo kale sheegay in dadka deegaankaas ay kooxdu Shabaab ka wada dhigtay, isla markaana dadka deegaankaas ay u baahan yihiin kala shaandheyn xoog leh.

Hoos ka dhageyso