Sawirro: Xasan Sheekh oo u baxay safar kale oo dibadeed – Xaguu caawa ka degay?

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray dalka Jabuuti, waxaana ku soo dhaweeyey garoonka diyaradaha magaalada Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabuuti kaga qeyb galaya shir looga hadlayo Isbeddelka Cimilada iyo Abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyadu ka soo saartay safarkaan.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa uu wada-hadallo ku qotoma iskaashiga labada dal ee dhanka amaanka iyo la dagaallanka argagixisada la yeelanayaa dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ku sugnaa deegaanada Puntland oo galabta uu ka sii baxay, wuxuuna maanta xarigga ka jaray dekedda cusub ee degmo xeebeedka Garacad ee Puntland.

Waa safarkii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay dalka Jabuuti tan iyo markii dib loo soo doortay, wuxuuna safarkiisii hore ee Jabuuti ahaa mid lagu wanaajinayey xiriirkii xumaaday ee labada dal, intii uu xukunka joogay Farmaajo.