Xogta dagaal culus oo caawa soo gaaray oo ka dhacay degaanka Masjid Caliguduud

Muqdisho (Casimada Online) – Faahfaahino dheeraad ayaa laga helayaa dagaal aad u culus oo caawa fiidkii soo gaaray oo ciidanka xoogga dalka iyo kooxda Al-Shabaab ku dhex maray degaanka masaajid Cali-Gaduud ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno degaankaas waxay sheegayaan in caawa Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda labada dhinac uga kala  sugan yihiin degaanka Masaajid Cali-gaduud, kadib markii dagaal aad u culus oo la isku habeensaday uu halkaas ka dhacay.

Khasaare badan ayaa lasoo werinayaa in labada dhinac uu soo kala gaaray, inkastoo aan la xaqiiji karin tirada rasmiga ah, waxaana ciidanka dowladda u suurta geli weysay inay si buuxda gacanta ugu dhigaan deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab oo saakay u baqa dirirtay ciidanka ayaa dagaal rogaal celis ah soo qaaday maanta gelinkii dambe, waxayna caawa ku sugan yihiin qeybo ka mid ah degaanka Masaajid Caliguduud, halka ciidanka dowladda ay ayaguna dhinac ka joogaan deegaanka.

Markii ay Al-Shabaab isaga baxeen deegaanka, si buuxda ulama wareegin ciidamada dowladdu, waxayna Al-Shabaab soo rogaal celiyeen iyadoo miino baaris ay ka socoto gudaha iyo daafaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa lasoo weriyey in ciidanka uu khasaare ka soo gaaray miinooyinkii kooxdu ay ku aastay wadooyinka gala degaanka, ugu yaraan hal gaari oo nooca dagaalka ah iyo dhowr askari ayaa naloo xaqiijiyey nin miino ay haleeshay.

Waxaa aad u yar xogta laga heli karo dagaalkii maanta ilaa caawa fiidkii ka socday degaanka Masaajid Caliguduud, madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo saraakiil ciidan oo badan ayaa hoggaaminaya dagaalkaan.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online