Daawo: Madaxdii Al-Shabaab ee degaanka Moqokori oo meydadkooda lasoo bandhigay

Maxaas (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaysa ciidanka dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta weerar qorsheeysan ka fuliyay gudaha deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo xubno Shabaab ah ay ku sugnaayeen.

Seddax nin oo labo saraakiil sare tahay ayaa Al-Shabaab maanta looga dilay Moqokori, waxaana howlgalkaas looga furtay seddax qori iyo gaari NOAH ah oo ciidanku ay saxaafadda u soo bandhigeen.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo warbaahinta kula hadlay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana bartilmaameedkoodu uu ahaa xubnaha la dilay.

Deeroow oo ahaa guddoomiyihii Al-Shabaab u magacownaa Moqokori iyo Siraad Cumar Gacal oo kooxda u qaabilsanaa canshuurta gaadiidka ee gobolka Hiiraan iyo hal askari oo ilaalo u ahaa, ayaa lagu dilay howlgalka Moqokori, kuwaas oo meydkooda lasoo bandhigay.

Sidoo kale sarkaalka u hadlay ciidamada dowladda wuxuu sheegay in xubnaha ay dileen ay gaarayaa ilaa shan, balse ay u suurta gashay in seddaxdaan ay meydkooda Maxaas keenaan.

Meydadka xubnahaas maanta Shabaab laga dilay, hubkoodii iyo gaarigii ay wateen ayaa warbaahinta loo soo bandhigay, waxaana gaarigii galabta la geeyey degmada Maxaas.

Howlgalkaan maanta lagu soo dilay xubnaha Shabaab-ka ah ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte uu balan qaaday in qofkii soo dila dagaalame ama sarkaal Shabaab ah uu siinayo lacag u dhaxeysa $5 kun ilaa $25 kun oo dollar.

Hoos ka daawo