Cali Yare: “Safarada shaqo ee sirdoonka qaranka lagama xayeysiiyo saxaafadda”

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka amniga gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa dhalleeceeyey wax uu ku sheegay xayeysiin warbaahinta looga sameynayo hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA.

Cali Yare ayaa ka jawaabayey warbixin warbaahinta qaar ay ka sameysay safar la sheegay in taliyaha NISA Mahad Salaad uu ku tegay dalka Masar, halkaasi oo uu kaga qeyb-galay shirka madaxda sirdoonka dalalka Carabta.  

“Safarada shaqo ee Sirdoonka qaranka saxaafadda lagama xayeeysiiyo waana farqiga udhexeeya Hey’ad Sirdoon iyo Shirkad ganacsi oo xayeeysiis loo sameeynayo si ay macaamiisheeda ugu sheegto adeeg dheeri ah oo ay dalka keentay,” ayuu yiri Cali Yare. 

Cali Yare ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay hadal u muuqda in NISA ay shaqaaleysiisay suxufiyiin xayeysiin u sameeya. “Dhallinyarada suxufiyiinta ah ee la shaqaaleeysiiyay qaab kale ha ula shaqeeyaan hey’adaha amniga,” ayuu yiri.  

“Maanta cadowga gacan ayuu noogu jiraa ee yaanay farsamo xumo innaga naga timaada fursad kale siin, wixii siyaasad iyo Iidheh ah waxaan u soo laaban karnaa markii aan cadowga jabino Insha Allah,” ayuu hadalkiisa ku daray. 

Ma jirto jawaab deg deg ah oo laga heli karay NISA iyo Mahad Salaad oo ku wajahan eedeymaha ka yimid Cali Yare. 

Cali Yare ayaa aad ugu dhow taliyihii hore ee NISA Fahad Salaad, oo uu marar badan sheegay inuu isbeddel weyn ku sameeyey NISA, kana dhigay hay’ad xooggan, inkasta oo dadka dhaliilay Fahad ay ku eedeeyeen inuu hay’adda ka dhigay mid loo adeegsado arrimo siyaasadeed. 

Cali Yare iyo Mahad Salaad oo isku jufo kasoo jeeda ayaa horey ugu loolamay kursiga xildhibaan ee uu Mahad Salaad ku magacaaban yahay, kaasi oo ay aheyd in laga beddelo markii loo magacaabay taliyaha NISA.