Booliska Jarmalka oo xiray hogaamiyihii hore ee gobolka xornimo raadiska ah Catalonia

Berlin (Caasimada Online) – Hogaamiyihii hore ee gobolka gooni u goosadka ka ah dalka Spain ee Catalonia Carles Puigdemont ayaa waxaa xiray booliska dalka Germany, ka dib markii dowladda Spain ay ka dalbatay dowladaha Yurub inay qabtaan ninkaan.

Mr Carles Puigdemont waxaa raadineysay dowladda Spain maadaama uu masuul ka yahay sida lagu eedeeyey kacdoonka Catalonia ay ku dooneyso inay uga madax-bannaanaato Isbaanishka intiisa kale, waxaana la qabtay isagoo kasoo tegay dalka Denmark kuna sii jeeday dalka Belgium, oo magan-galyo u fidiyey, sida uu qareenkiisu daaha ka qaaday.

Puigdemont ayaa Khamiistii lasoo dhaafay wuxuu booqasho ku tegay dalka Finland. Waxaana xusid mudan dalka Spain uu ka cararay bishii October ee sannadkii tegay, markaasoo Baarlamaanka gobolka Catalonia ay si mideysan u qaateen aragtida ah inay xornimo ka qaataan Spain inteeda kale.

Balse dowladda Spain ayaa sharci darro ku tilmaantay tallaabada ay qaadeen Baarlamaanka Catalonia, halka Mr Puigdemont iyo hogaamiyeyaashii kale ee soo abaabulay kacdoonkaan dhammaantood ay dowladdu bartilmaameedsatay, Mr Puigdemont ayaana haatan la filayaa inuu wajaho xabsi 30 sanno ah.

Xiisadda Catalonia ayaa haatan aad u kacsan, maadaama hogaamiyeyaashii kacdoonka xornimada la xiray, musharrixii ugu dambeeyey ee xilka madaxweyne Jordi Turull ayaana Jimcadii xabsi la dhigay, waxaana wahliyey shan shaqsi oo kale.

Caasimadda Online

Xafiiska Berlin

Caasimad@live.com