Vladimir Putin oo guul taariikhi ah ka gaaray doorashadii Russia, imisa sanno ayuu xilka sii heyn doonaa?

Moscow (Caasimada Online) — Madaxweynaha Russia Vladimir Putin ayaa gaaray guushiisii ugu weyneyd abid doorashadii dhacday Isniintii.

Vladimir Putin ayaana haatan lixda sanno ee nagu soo foolka leh sii maamuli doona dalka adduunka ugu weyn ee Russia, dagaalkii uu kula jiray Galbeedka ayaana sii xoogeysan doona.

Putin ayaa haatan illaa sannadka 2024ta sii maamuli doona Russia, taasoo ka dhigan inuu xukunkiisa Ruushku gaari doono rubac qarni (25 sanno), wuxuuna noqon doonaa ninkii ugu taliska dheeraa tan iyo Kaligi-taliye Josef Stalin.

Putin oo 71 sanno jirsan doona bisha October ee sannadkaan ayaa ku guuleystay boqolkiiba 76.68 codadkii la qaaday, taasoo ka dhigan inuu helay in k Abadan 56 milyan oo codad ah. Waana guushii ugu weyneyd ee uu gaaro hogaamiye Russia ah tan iyo markii ay ka baxeen Xukunkii Soviet iyo libintii ugu weyneyd ee Putin.

Isagoo taageereyaal isku soo baxay kula hadlay Fagaaraha Red Square, Putin wuxuu daaha ka qaaday inay guushaani u aheyd cod kalsooni ah ayna timid waqti adag.

Ninkii ugu dhowaa ee la tartamayey Putin wuxuu ahaa Pavel Grudinin kaasoo helay boqolkiiba 11.8 codadkii la qaaday, halka Vladimir Zhirinovsky uu helay boqolkiiba 5.6. Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah Alexei Navalny ayaana laga mamnuucay inuu dalka soo galo.

Caasimada Online

Xafiiska Mogadishu

Caasimada@live.com