Sawiro: Xildhibaanada kasoo jeedo Koonfur Galbeed oo Jawaari ka codsaday inuu is casilo (Akhriso tirada)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada kasoo jeedo deeganada Koonfur Galbeedo oo Maanta Hotel ku yaal Magaalada Muqdisho isugu yimid ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ka codsaday inuu si deg deg ah isku casilo.

Kulankaan oo ay kasoo qeyb galeen ilaa 30 Xildhibaan oo laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa Jawaari usoo jeediyey inuu is casilo.

Xildhibaanadaan oo ka hadlayey arrinta ku aadan inuu Kheyre ka dambeeyo mooshinkaan ayaa sheegay inuusan dabada ka riixeen Kheyre balse ay Xildhibaanada garteen inay Mooshin ka keenaan Jawaari kadib markii uu ku xad gudbay Dastuurka sida ay sheegeen.

Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada