Sheeko Yaab leh: Bardaale: “Haweeney Guriga ay gashaba uu gubanayo!”

Bardaale (Caasimadda Online) – Mucjiso  haysata gabar ku nool Gobolka Baay ee deeganada Koonfur Galbeed oo korkeeda uu dab ka kacayo, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Gabadhan oo marwo ah ayaa isaga carartay Magaalada Baydhabo, waxayna hadda joogta Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, kadib markii saddex guri oo ay ka degtay Magaalada Baydhabo uu saameeyay dabka korkeeda ka kacayo.

Mucjisada haysata gabadhaan ayaa ah mid xag alle ka timid oo dadka illaa hadda ay la yaaban yihiin, maadaama jirkeeda gabadhaan uu dab ka kacaayo oo haddii guri ay joogto uu saameynaayo dabka, gurigana uu gubanaayo.

Guddoomiyaha  Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, Saalax Axmed Sheekh Caamir Wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal waxaa uu ku sheegay ,in arrintan  tahay mid mucjiso ah, haddana gabadha ay joogto Degmada Bardaale oo ay isaga soo carartay Magaalada Baydhabo.

“Marka Dabku ka kacayo Gabadha waxay tiri culeys ayaa isoo saarmaya, kadibna dhimbilo holac ah ayaa ka firdhaya, kaasi ayaa gubaya dhammaan meesha ay joogto, ha ahaado Guri ama Baabuur, Dabkaasi iyada wax ma gaarsiinayo ee waa kacayaa oo kaliya dhimbilo iyo Holac.” Guddoomiyaha Degmada Bardaale.

Arintaan oo mucjiso ah, ayaa Taliyaha Saldhiga Degmada Bardaale, wuxuu sheegay inay tahay mid ay aad ula yaaban yihiin, balse dadaalka hadda socda uu yahay kaliya mid gabadha qur’aan lagu saaraayo.

Waa dhacdo ku cusub deeganada Somalida in la arko qof dab korkiisa uu ka kacaayo, uuna saameynaayo goobta ay ku sugan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com