Akhriso: Saddexdii Qodob ee Guddoomiye Jawaari hordhigay Madaxweyne Farmaajo & Jawaabta uu helay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Faahfaahin Dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa kulankii xalay dhex maray guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulanka ayaa la xaqiijiyey inuu guddoomiya Jawaari meesha ka saaray waanwaan daba dheeraata oo arrinta mooshinka laga galo, wuxuuna dalbaday saddex qodob si mooshinkiisa loo guda galo si cadaalad ahna loogu kala baxo:

QODOBADDA WAXAY KALA YIIHIN:

1- In Ciidamada qabsaday laga dul qaado Xarunta baarlamaanka, loona soo celiyo ciidamadii loo tababaray ammaanka xarunta Baarlamaanka.

2- In 10 Maamulood gudahood lagu hor keeno mooshinkiisa Baarlamaanka sida uu qabo Xeer hoosaadka Baarlamaanka, taasoo ka bilaabaneysaa 14-kii bishan Maarso.

3- Iyo in Cod bixintu noqoto Qarsoodi, sida uu qorayo Xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu aqbalay qodobadaasi, balse aanu wax jawaab ah siinin ee uu u sheegay inuu ku wargelin doono, kadib la-tashiyada uu la sameynayo dhinaca kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com