Fashilka Jawaari yaa u sabab ah

Dadka aan siyaasada dabaysheeda dhanka ay u socota garanaynin aad bay ugu wareereen khilaafka cusub ee soo if baxay dadkaas waxaa ka mid ah xildhibaano mug wayn ku leh dalkeena waxaa sidoo kale ka mid culimo aad looga yaqaano dalka.

Gudoomiye jawaari ayaa jeediye maalin ka hor inay mooshinkiisu ka dambayso xukuumada Hassan Ali Kheyre tahayna waxa loo ridayo inuu diiday inuu saxiixo ama meel mariyo go aano ku ah qiyaano shacbiga soomaaliyeed go aanadaas ma uusan sharixin , wuxuu sidoo kale baaq u diray baarlamaanka iyo beesha caalamka inaan arinkaan la dhayalsan sidoo kale Jawaari wuxuu baaq aan horay looga baran u diray Shacbiga soomaaliyeed isagoo u sheegaya in ay xukuumadu khiyaamayso shacbiga .

Sida la sheegay xildhibaanada mooshinka ka keenay Jawaari oo uu ku eedeeyey inay dabada ka riixayso Xukuumada waxay qabteen shirar is xig xigay kuwaasoo laga dheehan karay kalsoonida ay isku qabaan

Hadaba yaa dadkii wareeriyey oo waxaan jirin u sheegaya shacbigii ma Jawaari mise Xildhibaanada Mooshinka ka wada

JAWAARI : Hadaan ku hor marno wuxuu sheegay in ay jiraan waxyaalo ay xukuumadu saxiix ku tiri ayna ka dambayso mooshinkiisa sidoo kale wuxuu si hoose xildhibaanada ugu sheegay in xukuumadu aysan raali ka ahayn mooshinkii DP WORLD ee todobaadkii tagay la meel mariyay sidaasna ay ugu kadsoomeen xildhibaano uu ka mid yahay Zakariye.

Markaad eegtana xukuumadaan raali ka ahayn in DP WORLD la cayriyo waa war aan bislayn una baahin karkarin.

XILDHIBAANADA MOOSHINKA WADA: iyaguna waxay odayga jawaari ah ku eedeeyeen inuu ku tuntay xeer hoosaadyadii baarlamaanka shaqooyin badan oo socdayna uu is hortaag ku sameeyey sida ansixinta hindiso sharciyeedyo badan waxaa sidoo kale warar kale oo madax banaan sheegayaan inuu odaygu waa Jawaariye ka dalbaday madaxda qaranka Lacag uu ku meel mariyo Dhamaan shaqooyinka taagan kagana difaaco dawlada mooshinada lagusoo wado taasoo ay madaxdu ka biyo diideen inay fuliyaan kadibna uu odaygu bilaabay dardar gelinta Mooshin Madaxa xukuumada lagu ridayo balse looga guuleystay lagalana hormaray xabadii .

Fashilka Jawaari waxaa ka dambeeya xildhibaanada Mucaaradka ah iyo kuwa u adeega Dawlada yar ee EMIRATEKA iyo hamigiisa ah inuu wali moodayo in la joogo xiligii baada

Ugu dambayn shirar badan oo lagu dhex dhexaadinayay ayaa fashilmay sidoo kale maxadwaynaha ayaa arintan daraadeed uga baaqday safar uu ku tagi lahaa Dalka Qatar waxayna u badan tahay maadaama uu Jawaari sii huriyay inaan laga aqbalin heshiis balse uu odaygu tagi doono , haduuse joogo waxaad moodaa inuu noqon doono nin ka tanaasulay dhamaan wixii khilaafka dhaliyay hada ka dibna aan is waali doonin ilaa iyo intuu kasoo kabanayo

Wabilaahi Tawfiiq

By: Ina Hurre Diiriye???