Russia iyo Taliban oo ka jawaabay xanta sheegeysa inay wada-shaqeyn ka dhexeyso

Kabul (Caasimada Online) – Dowladda Russia iyo Ururka Taliban ayaa siyaabo kala duwan u beeniyey hadalkii kasoo yeeray Hogaamiyaha Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afghanistan, kaasoo ahaa inay Taliska Moscow taageero  Kooxda Taliban.

Hogaamiyaha Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa xitaa daaha ka qaaday inuu Ruushku hub ku taageero Ururka Taliban oo muddo dheer waday dagaal ay kaga soo horjeedaan dowladda Afghanistan.

General John Nicholson oo la hadlay BBC-da Isbuucii lasoo dhaafay ayaa ku eedeeyey Russia inay ka shaqeyneyso xasilooni la’aanta Afghanistan maadaama ay taageeraan sida uu hadalka u dhigay Ururka Taliban.

Balse Safaaradda Russia ay ku leedahay caasimadda Kabul ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ku ku beenineyso hadalka Jeneraalka, iyagoo ku tilmaamay been aan sal iyo raadba laheyn iyo xan qiyaas ah.

Dhanka kale, Afhayeen u hadlay Ururka Taliban ayaa sheegay in aysan wax caawinaad ah a helin midkoodna dowladaha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Kabul

Caasimada@live.com