Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo weerar Ismiidaami ah oo galabta ka dhacay Muqdisho & Khasaaraha oo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo galabta ka dhacay Isgooyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan afafka hore ee Wasaarada Arrimaha Gudaha xukuumada Somalia.

Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Kontorool Ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee Koofi guduuda ay ku leeyihiin isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho, iyada oo qaraxa kadib uu cirka isku shareeray uuro madow, oo qaraxa ka dhashay, intaasi kadib Ciidanka Kontoroolka ayaa riday rasaas fara badan oo ay kaga jawaabayeen falkan.

Gaariga Qarxay ayaa waxaa la socday nin isa soo miidaamiyay oo kaxeynayay gaariga, waxaana lasoo sheegayaa in naftii haligahaasi uu galaaftay nolosha 5 Ruux oo laba kamid ah ay dhaacaw u geeriyooden goor dhow oo caawa ah.

Saraakiisha caafimaadka ayaa u sheegay warbaahinta in halkaasi ay u direen Gaadiidka gargaarka deg dega ah ee Ambalaasta, ayna halkaasi ka soo qaadeen Meydad iyo tirro dhaawacyo ah.

Dadka waxyeelada ay soo gaartay waxay u badnaayeen shacab, oo ay ka mid ahaayeen Wiil Dhalinyaro ah oo kaxeynayay Mooto Bajaaj cadaan ah iyo qof oo halkaasi ku sugayay gaari.

Dadka dhintay waxaa ku jira Asakari ka tirsan ciidanka ammaanka oo si toos ah u hor istaagay Gaarigaan, taasi oo keentay in markii danbe Gaariga uu ku Qarxo halkii lagu qabtay.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxaani ayaa daba socda Qarax Khamiistii ina dhaaftay xilli galab ah ka dhacay goob lagu shaaho oo kasoo horjeeda Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com