Sawirro dheeraad ah oo muujinaaya burburka ka dhashay Ismiidaamintii maanta ka dhacday duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax gaari ayaa maanta ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Gaarigan ayaa la sheegay in xaafad ku taalla Siinka Dheer isaga oo marayey uu halkaasi bacaad ku galay, islamarkaana Labo ruux oo la socotey ay ka dalbadeen shacabka in ay la bixiyaan.

Gaarigaan ayaa ku qarxay wado qardo jeex oo uu doonaayay inuu ka soo galo Magaalada Muqdisho,Wadihii gaariga ayaa la sheegay inuu qarxiyey gaariga isagoo ka cabsi qabay inay toogtaan ciidamada.

Dadkii meesha ka dhowaa ayaa markii ay ka daaleen, waxaa la xaqiijiyey in ay goobta isaga kala tageen, balse gaariga oo laga shakiyey ayaa waxaa soo aaday ciidamada ammaanka.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay Qaraxaasi, kuwaasoo oo la sheegay in wadeen gaariga Qarxay.

Gaariga ayaa ku qarxay meel ay ku yaallaan Guryo Jiinkado ah, waxaana qaraxaasi uu sababay Burbur xooggan.