DP World oo gashay heshiis cusub ay ku bahdileeyso Soomaaliya iyo Satellite-ka oo kashifay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadda DP World ayaa lacag hal bilyan oo doolar ah ku kireysatay dekadda Port de Banana ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah Congo.

Dekaddan oo nooca macmil ka ah, lagana dhisay halka ay iskaga darsamaan Wabiga Congo iyo badda Atlantic ayaa dhererkeedu waxa uu ka yar yahay 75m, halka doomaha ku soo xirta ay yihiin nooca yar yar, iyadoona halkii mar aysan dekedda ku soo xiran Karin wax ka badan hal doon.

DP World waxa ay sheegtay in lacag dhan 350 Malyan oo doolar ay u qoondaysay dib u dhiska dekedda oo kaliya,  halka 650-Malyan ay ku horumarinayso kaabeyaasha dhaqaalaha ee deegaanka dekedda iyo mashaariic kale oo shaqo abuur oo ka mid tahay magaalo warshadeed laga hirgelinayo  deegaankas.

Dowladda Congo ayaa shaacisay in saamiga dekeddan ay ka qaadanayso  uu yahay 30% halka DPW ay leedahay 70%, arrinkan oo dad badan oo Soomaaliyeed soo xasuusiyey heshiiskii dekedda Berbera ee muranka dhaliyey.

DP world ayaa warsaxaafadeed ku saabsan arrinka ku tilmaamtay sida ay u yartahay dhulka dekeddaani, maadama dalka Congo uu 37km qura kala wadaago biyaha badda Atlantica, balse waxa ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin heshiiskan mudda mudada 30-ka sano ah ay ku maamulayaan deked yarahaan, iyagoona sheegay in ay dhiskeeda ku dhammeystiri doonaan muddo 24 bilood ah.

Dekedda Berbera oo ku taalla marinka ugu mashquulka badan dunida ee badeecaduhu ay ka dhoofaan ayaa shirkadda DP World waxa ay kula wareegtay 442 Malyan oo doolar,  iyadoona la xaqiijiyey in sanadkii 2012kii laga soo dejiyey 21,538 kunteendhar siday agab iyo badeecado kala duwan, halka dekeddan maanta Imaaraatku uu 1 Bilyan kaga kireystay Congo ay ka soo degeen markii ugu badnayd  2000 oo kunteendhar oo qura.

Muuqaallada dekedda Berbera iyo deked yarta Banana ee dalka Congo ayaa muujinaya farqiga ballaaran ee u dhexeeya labada dekedood iyo sida ay u kala muhiimsanyihiin, balse waxaa muuqata sida Shirkadda la wareegtay maamulkooda ee DP World ay ugu tumatay qiimaha dekedda Berbera iyadoona kula wareegtay kala bar lacagta ay ka bixisay dekedda yaraha dalkas Congo oo guud ahaanba dalkaasi dhulka uu badda la wadaago  ay ka yartahay inta magaalada Berbera ay kala wadaagto khaliiijka Carabta.

Caasimadda Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimad@live.com