Khilaaf cusub oo soo kala dhex galay Guddoonka Golaha Shacabka & Cawad oo Jawaab ka bixiyay warqada kasoo baxday Muudeey (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa ugu jawaabay qoraal ka soo baxay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee BFS C/wali Ibraahim Muudey.

Jawaabta Mahad Cabdala Cawad, ayaa daba socta qoraal uu maanta Guddoomiye ku xigeenka Koowaad Muudey ku  shaciyay in 31-da bishan maalinta Sabtida ah uu qabsoomi doono kulanka looga doodi doono Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad, waxa uu qoraalka Jawaabtiisa ku sheegay in go’aanka kasoo baxay Muudeey uu yahay mid isaga u gaar ah, oo aanu aheyn mid ka soo baxay Guddoonka xafiiskiisa.

Mahad Cawad, wuxuu kaloo sheegay in Guddoomiye Muudey aanu Ku-sime aheyn, maadaama Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu joogo.

HOOS KA AKHRISO WARQADA MAHAD CAWAD

HOOS KA AKHRISO WARQADA UU SOO SAARAY GUDDOOMIYE MUUDEEY