Booliska London oo baaritaan ku billaabay kiiska Mo Farah

London (Caasimada Online) – Booliska London Metropolitan ayaa furay baaritaan lagu sameynayo shaac ka qaadista orodyahan Mo Farah ee ah in isaga caruur ah si tahriibin oo sharci-darro ah lagu soo geliyey UK.

Baaritaanka ayaa imanaya kadib markii Mo, oo 39 jir ah, uu dokumenteri ku sheegay in haweeney uusan aqoon ay keentay UK markii uu ahaa 8 sano jir, islamarkaana lagu qasbay inuu daryeelo caruurteeda.

Waxa uu sheegay inaan loo ogolaan inuu iskuul aado illaa uu ka garaay 12 jir.

Dokumenteriga, oo ay soo saareen BBC iyo Red Bull Studios, ayuu Mo Farah ku sheegay in magaciisa runta ah uu yahay Hussein Abdi Kahin.

Waxa uu shaaciyey in Britain lagu keenay ayada oo la adeegsanayo baasaboor been abuur ah oo lagu dhajiyey sawirkiisa iyo magaca Mohammed Farah, oo ah kan uu isaga oo isticmaalaya uu ku guuleysatay afar billad oo dahab oo ah cayaaraha olombikada.

“Waxaan ka war haynaa warbixinada warbaahineed ee ku saabsan Sir Mo Farah. Weli warbixino toos ah sooma gaarin MPS xilligan,” ayey booliska London ku yiraahdeen war-saxaafadeed ay soo saareen.

“Saraakiil ku xeel-dheer arrintan ayaa furay baaritaan, waxayna hadda qiimeynayaan akhbaaraadka la heli karo.”

Mo Farah ayaa horey u sheegay inuu Britain la yimid waalidkiis isaga oo kasoo qaxay Soomaaliya. Balse dukumenteriga BBC-da wuxuu ku caddeeyey in waalidkiis aysan weligood iman UK.

Aabihiis waxaa dishay xabad intii ay socdeen dagaallada sokeeye ee Soomaaliya markii Mo Farah uu ahaa 4 jir, sida lagu sheegay filim-ka. Hooyadiis iyo laba wiil oo la dhashay waxay ku nool yihiin Somaliland, oo ah gobol sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya balse aan haysan aqoonsi caalami ah.

Mo Farah ayaa dokumenteriga ku sheegay in macallinkiisa cayaaraha Alan Watkinson uu ka caawiyey inuu dhalashada UK qaato, isaga oo adeegsanaya magaca Mohamed Farah.

Dowladda UK ayaa sheegtay inaysan wax tallaabo ah ka qaadi doonin Mo Farah oo la xiriira inuu jebiyey sharciyada socdaalka.

Mo Farah wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu matalay Britain.

AP + VOA